Jimco, July 20, 2007HOL): Guddoomiyaha Guddigii Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in ay dalka Soomaaliya imaanayaan iyagoo u socda in ay xoreeyaan dalka Soomaaliya, isla markaana aysan u imaaneynin ka qeybgalka Shirka Dib u heshiisiinta.
“Dalka waxaan u imaaneynaa in aan xoreyneyna ee uma imaaneyno in aan ka qeybgalno Shir, waayo dalka Soomaaliya ma ahan mid xor ah, waxaana heysta cadaw ku soo duulay”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in aysan gebi ahaanba ka qeybgeleynin Shir dib u heshiisiineed tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin Dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Shirka haatan Muqdisho ka socda aysan wax natiijo ah ka soo bixi doonin.
Waxaa uu sheegay in Shirweyne ay ka qeybgelayaan ergooyin gaaraya 200 oo qofood dhawaan lagu qaban doono Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, kaasi oo sida uu yiri lagu dhisi doono Urur u ololeeya sidii Soomaaliya loo xoreyn lahaa.
Midowga Afrika ayuu Shiikh Shariif Shiikh Axmed eedeyn u jeediyay, wuxuuna sheegay in Midowga Afrika uu ogolaasho u siiyay Dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeeda galaan Soomaaliya, taasina wuxuu ku tilmaamay qalad weyn oo uu galay Midowga Afrika.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ka hadlay dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna eedda dhibaatadaas dusha u saaray Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay ciidamo tiro ku daadisay Suuqaas, kuwaasi oo sida uu yiri dadka ku haya dhac, dil iyo barakacin joogto.
Hadalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ku saabsan in aysan ka qeybgeleynin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu meesha ka saarayaa warar sheegayay in ay jiraan dadaallo loogu jiro sidii Madaxda Maxkamadihii Islaamka looga dhaadhicin lahaa in ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka bilowday ayaa waxaa ka soo horjeeda Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






