Jimco, July 20, 2007HOL): Aragtiyo kala duwan ayaa laga muujinayaa shirka dib u hishiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaya Ururo iyo waliba kooxo gaar u cabiraya sida ay u arkaan shirka iyo waliba qaabka loo agaasimay..
War qoraal ah oo uu soo saaray Xisbiga SSDP Isla markaana Nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay HOL ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa qoraalka lagu xusay qaabka loo soo abaabulay shirka oo lagu sheegay qoraalka mid aan habooneyn..
Xog-hayaha Xisbiga oo Fadhigiisu yahay Magaalada B/weyn Eng. Max’ed Saalax Shirwac ayaa sheegay in Xisbigoodu helay Warqadaha Casuumada shirka, laakiin lagu wargeliyay in ay uga soo qeyb-galaan kaliya hab Beeleed taasoo sida uu sheegay aan u cuntamin.
Qoraalka oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa lagu xusay ugu horeyn dhaliilaha shirka dib u heshiisiita Beelaha oo lagu soo koobay 4 Qodob oo kala ah, 1. In Magaca shirka ee ah Dib u hishiisiinta Beelaha uusan aheyn mid sax ah maadaama laga soo gudbay waqtigii beelaha, loona gudbay Qaran iyo Dowladnimo. 2. Ajandaha Shirka oo aan aheyn mid si dhab ah u cad, gaar ahaan wax yaabaha laga wadda halayo, Maadaama la wada og-yahay in aysan jirin Beelo si gaar ah isku heysta. 3. Shir gudoonka oo sida lagu sheegay Qoraalka ah dhinac kaliya taasoo meesha ka saareysa in uu shirku yahay mid Qaran. 4. Ammaanka shirka oo aan aheyn mid hagaagsan, sidaa daraadeed ay adag ahay in dhinacyo badan ka soo qeyb-galaan.
Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday qaabka ugu haboon ee shirku ku najaxi karo kaasoo lagu sheegay in ugu horeyn loo baahnaa in loo raadiyo shirka goob nabdoon oo ku haboon in dhinacyo badan ka soo wadda qeyb-galaan, waxaana uu qoraalku intaa ku darayaan in markaa shirka lagu marti qaado Aqoon-yahanka iyo waliba dhinacyada lays-leeyahay waxaa ku xiran xal u helida Mashadda ka oogan dalka Soomaliya gaar ahaan Caasimada Muqdisho.
Waxaa uu si gaar ah Qoraalku hoosta ugu xariiqay in maanta Arimuhu yihiin kuwo siyaasadeed lakiiin aysan aheyn kuwo dhaqan iyo Beeel ku saleysan, waxaana uu intaa ku daray in Shirka hada furmay loogu gogol xaaro sidii loogu gudbi lahaa mid Siyaasada looga wada hadlo.
Inkastoo ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa haddana dhanka kale waxaa xusid mudan in ay jiraan Ururo iyo waliba shaqsiyaad si weyn u soo dhaweynaya shirka ka socada Caasimada Muqdisho oo kii ugu horeyay ee Soomaalidu ku qabsato gudaha dalka iyadoo aysan jirin cid dhax-dhaxaadinaysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






