Jimco, July 20, 2007HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa uu ku eedeeyay in ay raali ka yihiin dhibaatada ka taagan Suuqaas, isla markaana ay ka baxeen heshiisyo ay horay ula gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha aysan dooneyn in xal loo helo mushkiladda ka taagan Suuqa Bakaaraha.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay ka baxeen heshiis ay la galeen Dowladda Federaalka, kaasi oo qodobadiisa ay ka mid ahaayeen in ganacsatada ay sameeyaan guddi la shaqeeya ciidamada Howlgallada sameynaya, in Saldhig Boolis laga furo gudaha Suuqa iyo Shirkadaha Ganacsiga loo sameeyo Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo weliba ay mushaarkooda bixineyso Dowladda Federaalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere waxaa uu ka hadlay sababta ay Ciidamada Dowladda Federaalka muddo labo todobaad ka badan ugu sugan yihiin Gudaha Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in sababtaas ay tahay in ay doonayaan in Suuqa Ammaankiisa la sugo, isla markaana laga uruuriyo hubka iyo waxyaabaha qarxa.
Suuqa Bakaaraha ayay maanta u tahay 16 maalmood oo aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda oo gudaha Suuqa isku tacshiiradeeya.
Laakin Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeynta uu u soo jeediyay Maxamed Dheere wuxuuna sheegay in aysan raali ka ahayn dhibaatada ka jirta Suuqaas, isla markaana ay xiriir la sameeyeen maamulka Gobolka Banaadir, hayeeshee ay waayeen cid la hadasha oo ka dhegeysata waxa ay doonayaan.
Cali Dheere waxaa uu ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay farageliso arrinta Suuqa Bakaaraha, isagoo haddii aanan sidaas yeelin-na ka digay in Suuqaas lagu kala guuri doono.
Ugu dambeyntiina, Ganacsatada yar yar ee Suuqa Bakaaraha ayaa iyaguna Dowlada Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay wax ka qabato dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay xakameyso Ciidamada is-barbar-yaacaya oo Suuqaas ka wada howlgala.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






