Jimco, July 20, 2007HOL): Abawaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha ay sii kordheyso, isla markaana haddii aan wax laga qaban ay keeni doonto in Suuqa lagu kala guuro.
Abshir Bacadle waxaa uu sheegay in dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha ay qeyb lixaad leh ku leeyihiin Ciidamo ka amar qaata Maxamed Dheere, C/qaadir Beebe iyo Dhagaxtuur oo hal Jufo ka soo wada jeeda, isagoo caddeeyay in aan ganacsatada lagu eedeyn karin in ay sameeyaan Qaraxyada lagu weeraro Ciidamada Dowladda.
“Maxamed Dheere, C/qaadir Beebe iyo Dhagaxtuur oo isku hal Jufo ah ayay ka amar qaataan Ciidamada ku sugan Suuqa Bakaaraha, mana jirto cid kale oo Suuqa Ciidamo keentay, Cabdi Qeybdiid oo Taliihii Booliska Soomaaliyeed ah iyo Ina Shaawey oo mas’uuliyiinta Gobolka ka tirsan ma imaanin”ayuu yiri Abshir Bacadle oo sheegay in sida uu yiri haddii aan xaajada sida daba Ari loo feydin aanan lagu dawoobeynin.
“Nimankaas hubkii Dalku lahaa iyaga ayuu gacanta ugu jiraa haddii aanan la soo faragelin waxyaabaha ay sameynayaana arrinta waxay u socotaa sida Hutu iyo Tutsi”ayuu mar kale yiri Abshir Bacadle oo intaas ku sii daray in ay lagama maarmaan tahay in laga hortago in ay Dadka Soomaaliyeed kala guuraan, isla markaana uu Reer kasta Suuq gaar ah sameysto.
“Fulay Dadka waa ka fiiro dheer yahay, aniga fulay ayaan ahay, waxaana ka digayaa dhibaatada Suuqa Bakaaraha ka soo socota”ayuu yiri Abshir Bacadle oo sheegay in uusan ka hadleynin ganacsatada waa weyn ee Dhismayaasha ku leh Suuqa, balse uu u damqanayo ganacsatada yar yar ee ku nool wixii ay maalintii soo shaqeystaan.
Wuxuu ku baaqay Abshir Bacadle in Guddi loo saaro arrinta Suuqa Bakaaraha, isla markaana sida uu u yiri la far-iyo-suuliyo dhibaatada muddada labada todobaad ka badan ka taagan Suuqa Bakaaraha.
Hadalka Abshir Bacadle ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay u guureen Suuqyada Siinaay, Suuq Bacaad iyo Xamar-weyne, sidoo kalena ay cabasho dhinaca sicir-bararka ah ka timid dadka ku nool Gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Bay, kuwaasi oo ganacsi ahaan ku xirnaa Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






