10 C
London
Monday, November 10, 2025

Shan Caruur ah oo ku geeriyootay Madaafiic Hoobiyayaal ah oo ku dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, July 20, 2007HOL):: Shano Caruur ah ayaa geeriyooday tiro kale oo intaas ka badanna waa ay dhaawacmeen kadib markii uu ku habsaday Madfac Hoobiye oo la sheegay in loola dan lahaa Xarunta Gaadiidka Booliska oo ah halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Shanta Caruurta ee geeriyoortay ayaa seddex ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, waxayna marka uu madfaca ku dhacayay ay ku ciyaarayeen meel aan u dheereyn guryahooda oo ku yaala Xaafad ka tirsan Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka ku dhaqan Magalaada Muqdisho ayaa si weyn uga niyad xumaaday caruurtaas aan waxba galabsan ee  ku naf waayay madaafiicda aan loo meel dayin ee la iska tuurayo, iyadoo dhinaca kalena ay dhacdadii shalay keentay in ay guryahooda isaga guuraan dad badan oo ku noolaa Xaafado ku yaala Degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo todobaad gudahiis ay labo jeer madaafiic hoobiyayaal ah ku dhaceen.

 

Markii madaafiicdaas ay dhacayeen ayaa waxay ku aadaneyd xili uu soo xirmay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maalintii labaad ay shalay isugu yimaadeen in ka badan Kun Ergay oo ka socda Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo markii ugu horeysay shalay loo qeybiyay Ajendayaal KMG ah oo ka doodi doonaan maalinta berri ah.

 

Axaddii dhaweyd ayay ahayd markii xaafado u dhow Xarunta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray, weliba xili ay socotay Xafladdii furitaanka Shirka. Koox la baxday Xarakada Mujaahidiinta Da’da yar oo Filim Muuqaal ah oo labo daqiqo soconaya soo dhigay Bog Internet ah oo ay leeyihiin Kooxaha Muqaawamada ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen Madaafiicdii lagu weeraray furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta, hayeeshee lama oga cid ka dambeysay madaafiicdii shalay ee ay ku dhinteen shanta Caruurta ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ammaankeeda wuxuu yahay mid aanu hagaagsaneyn, waxaana ka dhaca Qaraxyo, Madaafiic, Iska-hor-imaadyo hubeysan iyo weliba Dilal loo geysanayo Dad aan waxba galabsan oo ay dhici karto in loo dilo sabab la xiriirta qolada ay la jiraan dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).