13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga oo codsaday in aan Ciidamada Itoobiya ka bixin Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, July 02, 2007HOL):  Afhayeenka Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan Captain Paddy Ankunda oo warqad furan u diray Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof. Alpha Omer Konnare ayaa kaga codsaday in ciidammada Afrikaanka ah ee loogu talogalay Nabad ilaalinta Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku yimaadaan Soomaaliya.

 

“Sida aad la socoto Madaxda Itoobiya waxay xaqiijiyeen in ciidammadooda ay Soomaaliya kala baxayaan laba toddobaad kadib, marka waxaan doonaynaa inaad ka codsato madaxda Itoobiya in aysan ciidammadooda kala bixin Soomaaliya inta laga keenayo kuwa Afrikaanka ah” ayuu Warqaddiisa ku yiri Paddy Ankunda oo mar kale yiri

 

“Ciidammada AMISOM ee jooga Muqdsiho waxay ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha, Dekedda weyn ee Muqdisho iyo Xarunta Madaxtooyada, sidoo kale waxay ilaalo ka hayaan Isgoyska KM4 oo ay waddada Garoonka tagta”.

 

Afhayeenka mar uu ka hadlayay dad reer Muqdisho ah oo ay gurmad bani’aadannimo u fidiyeen, waxaa uu yiri  “Waxaan  Muqdisho ka wadnaa howlo caafimaad innagoo ku guulaysannay inaan daweyn u sameyno 1,200 qof oo aad ula ildarnaa xanuuno u badan Infactionno kala duwan oo uu ka mid yahay cudurka Daacuunka”.

 

Captain Paddy Ankunda wuxuu sheegay inay howlahaas caafimaad ay ka faa’iideysteen 530-caruur ah oo ay hayeen cudurro halis ah, kuwaasoo aan ku gulaysannay buu yiri inaan ka daweyno cudurradii hayay.

 

“Waxaan si deg-deg ah kaaga codsanaynaa inaad dardargeliso sidii ciidammadii loogu talogalay Soomaaliya ee ka imaanayay Afrika loo keeni lahaa dalka ay dagaalladu burburiyeen, kuwaasoo horay loo ballanqaaday” ayuu yiri Paddy Ankunda oo u ballanqaaday Guddoomiyaha Midowga Afrika in ay sugi doonaan ammaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya imaan doona, iyagoo gacan siin doona ilaa ay ka gaarayaan halkii ay degi lahaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).