Isniin, July 02, 2007HOL): Israsaaseyn xooggan oo socotay muddo ku dhow 30 daqiiqo ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka dhacday Isgoyska Kaasabolbollaare ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo is-rasaaseyntaasna ay u dhaxeysay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.
Is-rasaaseynta oo bilaabatay 10:05 ayaa waxay si weyn u argagax gelisay Dadka Muqdisho ku dhaqan, gaar ahaan kuwa ku nool halka ay ka dhacday, iyadoo rasaasta ay labada dhinac isku ridayeen ay isugu jirtay nooca yar yar iyo nooca waa weyn.
Sidoo kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Garoonka Horseed ee Degmada Hodan ayaa iyaguna xalay la weeraray, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay.
Weerar kale oo isna xalay dhacay ayaa lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, waxaana halkaas laga maqlayay rasaas ay is-weydaarsanayeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha weerarka ku soo qaaday.
Magaalada Muqdisho oo uu saaran yahay amar Bandow ah oo ay ku soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa habeen kasta ka dhaca Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo aad moodeyso in looga soo horjeedo Bandowga maadaama ay qaraxyada dhacaan xiliyada uu bandowga bilaabanayo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyada iyo iska hor-imaadyada Muqdisho ka dhaca iyadoo uu Bandow jiro ayaa waxay muujinayaan in aaney Dowladda Federaalka heynin Ciidamo ku filan sugidda Ammaanka Muqdisho, bacdamaa habeen kasta weerarro lagu qaado fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






