13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo saakay dhac ka geystay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 02, 2007HOL):  Ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay ku qamaamay Suuqa Bakaaraha qeybtiisa lagu iibiyo Qudaarta, halkaasi oo dadkii ku sugnaa ay u geysteen falal dhac ah.

 

Dad goob-joogayaal oo ku sugan halka uu falkaas ka dhacay ayaa sheegay in ay Ciidamadaas ka qaateen dad halkaas ku sugnaa Taleefoonnada gacanta lagu qaato iyo weliba lacag, iyagoo guryaha halkaas ku yaalana ku gelayay qaab baaris oo kale ah.

 

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxay halkaas ka wateen Rag Suuqa ilaalo ka ahaa muddo dheer, kuwaasi oo aan la ogeyn meel ay la aadeen. Dadka degan Suuqa Qudaarta Bakaaraha iyo kuwa ku ganacsada ayaa saakay la yaabay Ciidamada ku labisan dharka Ciidamada Dowladda Federaaka ee hadana sida burcaddii wax u dhacaya.

 

Waddooyinka Muqdisho qaarkood ayaa lagu arkaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo hadana Gaadiidka BL-ka ah ka qaata lacag aaney sharci u lahayn in ay qaadaan, taasi oo ula mid ah Darawallada Gaadiidka BL-ka ah sida ay qaarkood ii sheegeen lacagtii ay xoogga kaga qaadan jireen Maleeshiyooyinkii Hoggaamiye kooxeedyada.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar sii horeysay waxay magaalada Muqdisho ka saartay Ciidamada Mileteriga Dowladda kadib markii la kala garan waayay Ciidamada saxda ah ee Dowladda iyo kooxo falal nabadgelyo darro ah waday oo soo labistay dharka Ciidamadaas.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Geed dheer iyo Geed gaaban u fuuleysa sidii ay u soo celin lahayd sharcigii iyo kala dambeyntii ka jiri jirtay Soomaaliya ayaa waxaa Ciidamo ahaan ugu qoran dhalinyaro qaarkood ahaan jiray Maleeshiyooyin Beeleedyo, kuwaasi oo aan si fiican loo soo barin Anshaxa iyo Hab dhaqanka wanaagsan ee looga baahan yahay Askariga Dowladeed.

 

Dad badan oo ka marqaati kacaya in uu jiro habac badan oo ka muuqda Ciidamada Talisyada kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in aan si sahlan looga gudbi doonin falalka guracan ee ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka tan iyo inta marka hore laga helayo labis isku mid ah oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, kaasi oo haddii la helo meesha ka saaraya in labiska ciidamada ay soo xirtaan Kooxo aan Dowladda ka tirsaneyn, kadibna ay dhibaato ku geystaan, sidoo kalena wuxuu meesha ka saarayaa in la arko Ciidamo hal Talis ka wada tirsan oo hadana qaba labis aan isku mid ahayn.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ammaankeedu wuxuu yahay mid aan la isku haleyn karin, waxaana maalin iyo habeen kasta ka dhaca Qaraxyo iyo Dilal loo geysanayo Dad Rayid ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).