10 C
London
Monday, November 10, 2025

Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta loo qeybiyay Ajendayaal ay ka doodayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 19, 2007HOL): Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta isugu yimid shirkoodii koowaad kadib markii Axaddii dhaweyd uu u furmay Shirweynaha ay leeyihiin, waxaana maanta ergooyinka loo qeybiyay Ajendayaal dhowr ah oo ay ka doodi doonaan sabtida soo socota bacdamaa ay maalinta berri ah Jimco  tahay.

 

Ajendayaasha Ergooyinka loo qeybiyay ee ay ka doodayaan ayaa waxaa ka mid ah Nabadda iyo Hub iska dhigidda, Hanti Isu celinta, Dowlad-Wanaaga iyo Dimoqraadiyadda, Tirakoobka Dadka, Abuurista Axsaab Siyaasadeed, Midnimada Dalka, Qeybsiga Kheyraadka iyo Awoodda Dalka, Xag-jirnimada Diimeed,iyo kuwo kale, waxaana ergooyinka loo sheegay in ay ajendayaashaas ka doodi doonaan maalinta Sabtida ah ee soo soocta.

 

Furitaanka Shirkii Maanta ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, kaasi oo shirka guul u rajeeyay, isagoo sidoo kalena soo gaarsiiyay Ergooyinka salaan uu uga siday Dadkii Soomaaliyeed ee uu dhawaan kula soo kulmay Dalalkii uu soo maray.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo dalka Dibadda uga maqnaa markii uu furmayay Shirka Dib u heshiisiinta ayaa u sheegay Ergooyinka in laga doonayo in ay fikradahooda mideeyaan, isla markaana ay soo saaraan wax Soomaaliya ka saara dhibaatada ay ku jirto, “Waxaa nagula xantaa in aan nahay dad been isu sheega oo is-xada, waana nagala ammaan baxay, sidaas darteed waa in aan sharaf xumadaas iska meyrnaa oo aan is-aaminnaa, daacadna isu noqonnaa, Illaahna u noqonnaa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo khudbaddiisa ay u badneyd warbixin uu Ergooyinka ka siinayay socdaal uu dhawaan ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo Caalamka ah ayaa wuxuu sheegay in uu Dowladda Sacuudiga kala soo hadlay sidii ay uga qeyb-qaadan lahayd dib u dhiska Dalka Soomaaliya, “Waxaan ku iri ma wadanno Dambiilo aad Dhaqaale noogu shubeysaan, hayeeshee waxaan rabnaa in aad naga kaalmeysaan dib u dhiska dalka, gaar ahaan Dugsiyadii Waxbarashada, Isbitaallada, Garoomada, Dekedaha, Waddooyinka iyo Xarumihii Dowladda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Sidoo kalena waxaa shirkii maanta ka hadlay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed, kaasi oo sheegay in ay guul weyn tahay in ay Ergooyinkii shirka lagu casuumay ka soo wada qeybgaleen, isagoo farta ku fiiqay in ay hareen hadallo horay loo sheegi jiray oo ahaa in uusan qabsoomeynin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in uu si weyn ugu mahadcelinayo Ergooyin ka kala yimid Gobollada Dalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay qaarkood  ka soo tageen howlo muhiim ah, wuxuuna intaas kadib uu ergooyinka uga cudurdaartay haddii ay la kulmaan hab-maamuus ay saluugaan.

 

Madaafiic lagu tuuray Degmada uu Shirka ka socdo

 

Ugu dambeyntiina, markii uu shirka soo geba-geboobay kadib ayaa waxaa xaafado ka mid ah Degmada C/Casiis ku dhacay Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay ku dhinteen shan ruux oo ay ku jireen caruur meel bannaan ah ku ciyaareysay.

 

Madaafiicdaas kadib ayaa la arkayay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo baadi-goobayay dad ku lug leh madaafiicda markii labaad todobaad gudahiis lagu weeraray Degmada uu Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka furmay ee C/Casiis.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).