10 C
London
Monday, November 10, 2025

SHARIIF XASAN SHIIKH AADAN : “Wax Natiijo ah kama soo baxayaan Shirka Muqdisho lagu qabanayo waayo waxaa ka qeybgelaya Dad u sacab u tumaya C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 19, 2007HOL): Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in aysan wax natiijo ah ka soo bixi doonin Shirka dib u heshiisiinta, isagoo taasina sabab uga dhigay in aan shirka laga qeybgelin dadkii uu khilaafka u dhaxeeyay ee isku hayay Siyaasadda Soomaaliya.

 

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in Shirka Muqdisho ka furmay la isugu geeyay sida uu u yiri dad u sacab tumaya C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi, “Wax Natiijo ah kama soo baxayaan Shirka Muqdisho lagu qabanayo waayo waxaa ka qeybgelaya Dad u sacab u tumaya C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi” ayuu yri Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagoo ku sugan magaalada Dubai u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho.

 

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in aan shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed lagu qaban karin gudaha Soomaaliya tan iyo inta ay joogaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu mar kale ku celinayo in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya.

 

“Anigu waxaan qabaa in haddii meel nabad ah oo ammaankeeda sugan yahay la isugu geeyo dadka siyaasadda isku haya in ay ka heshiin karaan khilaafyada u dhaxeeya, balse inta ay Ciidamada Itoobiya dalka heystaan ma qabo in ay wax ka soo bixi karaan shir la qabto”ayuu mar kale yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Shariif Xasan Shiikh Aadan in uu Axdigii u degsana Dowladda Federaalka meel ku tuuray, isla markaana uu ku tuntay, “C/llaahi Yuusuf Nin nabad doonaya ma ahan, wuxuuna doonayaa in ay dadka Soomaaliyeed ay dhibaatada ku sii jiraan”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in aysan jiirn Beelo Soomaaliyeed oo khilaafaadyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo, wuxuuna ku cel celiyay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay Siyaasadda oo aan heshiis lagu ahayn.

 

Hadal midkan la mid ah waxaa horay u jeediyay madaxda maxkamadihii Islaamka oo sheegay in aysan jirin wax natiijo ah oo ka soo baxaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed tan iyo inta Ciidamada Itoobiya laga saarayo Soomaaliya.

 

Sidoo kalena, Odayaal ku mideysan Gole la magac baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa iyaguna shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ku tilmaamay mid aaney natiijo ka soo baxeynin, iyagoo sheegay in uu qaldan yahay qaabka loo qabanayo waxayna caddeeyeen in ay qabaan in shirka laga dhigo mid looga hadlo khilaafaadyada Siyaasadeed, halka haatan uu ku bilaabanayo qaab dhaqan.

 

Haddaba iyadoo maanta la sii amba qaadayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maalintii Axadda ahayd ee aynu ka soo gudubnay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa jiro shir kale oo ay Maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ay ku qabanayaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaasi oo la sheegay in lagu dhisi doono Urur u ololeeya sidii dalka Soomaaliya loo xoreyn lahaa.

 

Shirkaasi oo ay ka qeybgelayaan ergooyin tiradooda gaareyso 200 oo ergay ayaa haatan waxaa qabanqaabadiisa gacanta ku haya Guddi 15 xubnood ah oo ka kala socda Maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah iyo Bulshada Rayidka, iyadoo shirkaasina lagu wado in la qabto 1-da Bisha September ee sanadkan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).