11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 19, 2007HOL): Dagaal aad u xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay waxaa uu ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaceeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dagaalka oo bilowday saqdii dhexe kadib abaara 1:25am ayuu wuxuu socday ilaa 2:00am, iyadoo intaasna la isku ridayay hub yar yar iyo mid waa weyn, kaasi oo dhawaqiisa uu aad u qalqal geliyay Dadkii deegaan ahaanta u deganaa Gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

Dad badan oo doonayay xalay in ay guryahooda ka qaxaan kadib markii uu dagaalka bilowday ayaysan taasi u suurtagelin, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo xiliga uu habeen ahaa, isla markaana  ka baqday in ay waxyeello ka soo gaarto labada dhinac ee dagaalka iskala soo horjeeday, kuwaasi oo marka ay ku soo dhex cararaan u qaadan kara in ay yihiin dhinaca dagaalka kala soo horjeeda.

 

Madaafiicda xalay la isugu adeegsaday dagaalkii ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ahaa mid aysan dadka Muqdisho maqlin tan iyo markii ay soo af-jarmeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay oo intii ay socdeen la isugu adeegsaday hub aad u waa weyn.

 

Khasaaraha uu geystay dagaalkii xalay ayaa la sheegay in ay isugu jirtay burbur hantiyeed iyo dhimasho iyo dhaawac soo gaartay labadii dhinac ee dagaalka uu u dhaxeeyay, kuwaasi oo aan la xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray.

 

Inkastoo rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamada Dowladda Federaalka laga maqlayo gudaha Suuqa Bakaaraha,  hadana xaaladda Suuqaas saakay waa ay degan tahay, waxaana waddooyinka gala Suuqa lagu arkayaa Ganacsato dooneysa in ay soo eegtaan hantidooda, walow ay waddooyinka qaarkood  ka soo celinayaan Ciidamo ku sugan gudaha Suuqa.

 

Ugu dambeyntiina, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya ayaaney wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin muddo 15 maalmood ah sabab la xiriirta iska hor-imaadyada gudaha Suuqaas ugu dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee  ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).