
Arbaco,
Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya waxay ku leeyihiin shir ay uga hadlayaan sidii Ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya loogu sii cusbooneysiin lahaa waqtiga ay joogayaan Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Major Felix Kulayigye ayaa isna sheegay in wada hadallada ay UN-ka iyo AU-da ka leeyihiin arrinta Ciidamada Uganda ay meel wanaagsan mareyso, isagoo rajo ka muujiyay in Ciidamada Uganda loo kordhin doono mudada ay Soomaaliya joogayaan.
Major Felix Kulayigye waxaa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta ah ee Beelaha Soomaaliyeed uga bilowday Magaalada Muqdisho uu yahay mid dhabaha u xaaraya nabad-waarta oo ay dadka Soomaaliyeed helaan, waase haddii buu yiri ay wada hadallada shirka noqdaan kuwo aan wax lagu burburineyn.
1,500 Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa magaca Midowga Afrika waxay uga howlgelayaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ilaalo ka haya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho iyo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Ciidamada Uganda oo bishii Janaayo ee sanadkan ay uga bilaabaneysay muddo lix bilood ah oo ay Soomaaliya ka howlgelayaan ayaa waxay Muqdisho yimaadeen bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay, iyadoo intii ay Muqdisho ku sugnaayeen-na laga dilay Afar Askari, kadib markii Miino loogu aasay wadada dhinaceeda.
Ugu dambeyntiina, Dalalka Midowga Afrika ayaa la filayay in ay Ciidamo gaaraya 8,000 oo askari ay u diraan Soomaaliya, hayeeshee waxaad mooddaa in ay ballanqaadkaas ka jawaabtay Dowladda Uganda oo kaliya, halka Dowladaha, Nigeria, Ghana, Malawi, Burundi iyo Benin ay sheegaan in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






