10 C
London
Monday, November 10, 2025

Koox la baxday Xarakada Mujaahidiinta Da’da yar oo sheegatay Madaafiicdii lala beegsaday Furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 18, 2007(HOL): Koox la baxday Xarakada Mujaahidiinta Da’da yar oo Filim Video ah oo labo daqiiqo soconaya soo dhigtay Internetka ayaa sheegatay in ay ka dambeysay madaafiicdii lagu garaacay xaafado u dhow halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Kooxdan ayaa waxay sheegeysaa in ay Madaafiic Hoobiyayaal ah ku weerareen Xaafado ku dhow halka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed lagu qabanayo, weliba xili uu khudbaddii furitaanka jeedinayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waa sida ay kooxdani ku sheegtay cajaladda Video-ga ah ee ay Internetka soo dhigtay.

 

Sidoo kalena waxay sheegtay kooxdan in ay weerar ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ka dileen Afar askari, sidoo kalena waxay sheegtay kooxdan in ay gudaha Suuqa Bakaaraha ku burburisay gaari ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena waxay sheegtay kooxdan la baxday Xarakada Mujaahidiinta Da’da yar in ay dileen Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Afgooye marxuum Xasan Axmed Xasan, kaasi oo dhawaan lagu dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

 

Maalintii Axadda ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayaa dhowr Madfac oo hoobiye ah lagu weeraray xaafado u dhow  Halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo madaafiicdaasna ay qalqal geliyeen ergooyinkii shirka ka qeybgelayay, markaas oo uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu niyad sameeyay ergooyinka  in aysan cabsan, isla markaana uu qof kasta dhimanayo waqtigiisa.

 

Madaafiicdaas ayaa lagu tuuray xaafadaha u dhow halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyadoo Waddooyinka Magaalada Muqdisho la dhigay Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo xanibay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu ka sii socdo Xarunta Gaadiidka Booliska, iyadoo shirka loogu talagalay in ay ka qeybgalaan 1325 ergay oo ka imaanaya Beelaha Soomaaliyeed, tiiyoo ay jirto cabasho ka imaaneysa beelaha Soomaaliyeed qaarkood, kuwaasi oo sheegaya in ay shirka u fadhiyaan xubno aaney soo xulin duubabkooda dhaqanka.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).