10 C
London
Monday, November 10, 2025

Xaaladda Muqdisho Xalay iyo Saakay sidee bey ahayd?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 18, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay Qaraxyo iyo Madaafiic lala beegsaday xaafado ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Isgoyska Howl-Wadaag ayaa waxaa ka dhacay qarax lala beegsaday Ciidamo halkaas ku sugnaa, iyadoo qaraxaasi oo uu ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidamadii halkaas joogayna uu ka dhashay Bambo gacmeed lagu soo tuuray.

 

Qaraxaas kadib ayay Ciidamada Dowladda Federaalka ee qaraxa lala beegsaday fureen rasaas aad u xoog badan, taasi oo uu ku dhaawacmay Nin Rayid ah oo ku sugnaa gurigiisa oo Jiingad ka sameysan, isla markaana u dhow Isgoyska Howl-Wadaag.

 

Saakay ayaa inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde waxaa lagu arkayay Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo hakiyay socodka dadka iyo gaadiidka isticmaala Wadada Wadnaha.

 

Sidoo kalena, Xaafadda Nasiibuundo ee Degmada Shibis ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu tuuray labo madfac oo hoobiye ah, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii laga soo tuuray. Labadaas Madfac oo meel banaan ah ku dhacay ayaan la soo sheegin cid wax ku noqotay.

 

Dhanka kalena, Suuqa Bakaaraha oo maalintii 14aad aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ayaa wuxuu yahay mid cidlo ah oo ay dadkii ganacsatada ahaa joojiyeen in ay u shaqo tagaan, waxayna taasi timid kadib markii Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Mileteriga Dowladda Federaalka Suuqaas lagu daadiyay.

 

Ciidamada lagu daadiay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa dagaal kula jiraan kooxo gudaha Suuqa qaraxyo ka geysta, kuwaasi oo ay la rafanayaan muddo 14 maalmood ah oo ay gudaha Suuqa iskula jiraan.

 

Saakay ayaa ugu dambeysay waxaa ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha qarax lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka oo marayay Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo Qaraxaasina uu ku dhaawacmay nin rayid ah oo dhar ku iibinayay nawaaxiga halka qaraxa ka dhacay.

 

Ugu dambeyntiina, saakay markii uu waaba baryay kadib ayaa deegaanka Ceymiska ee Degmada Yaaqshiid lagu arkay Meydka wiil dhalinyaro ah, kaasi oo ay jirkiisa Rasaas ku taalay, iyadoo shalay subaxna inta u dhaxeysa Warshaddii Baastada iyo  Ex-Koontarool Balcad lagu arkay meydka labo dhalinyaro ah, kuwaasi oo iyana rasaas lagu dilay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).