10 C
London
Monday, November 10, 2025

Hay’adda MSF iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka wada hadlay sida laga yeelayo Dadka soo barakacay ee ku dhibaateysan Gobolka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 18, 2007(HOL): Maamulka heer Gobal iyo degmo ee Gobalka Hiiraan iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda M.S.F. ee gacanta ku heysa howlaha Isbitaalka Magaalada B/weyn ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay kaga wada hadleen Arimo u badan xaalada dadka soo barakacay ee ku jira xeryo ku yaala qeybo ka mid ah degmooyinka Gobalka kuwaasoo la soo sheegayo in la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

 

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Eng. Xuseen Mux’ed Maalin oo ugu horeyn hadalay ayaa u mahad celiyay hay”adda M S F oo sida uu sheegay ku guuleysatay in uu shaqeeyo Isbitaalka Gobalka muddo  7sano ah ka dib, waxaana uu intaa raacayay in wax lagu farxo ay tahay waliba xaalada adag in Mas’uuliyiinta hay’addu u bareeraan wax u qabashada dadka ay la soo darseen dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka.

 

Guddoomiye Maalin waxaa uu ku dheeraaday Xaalada dadka Soo barakacay ee ku sugan gudaha Gobalka isaga oo sheegay in ka maaamul ahaan kor meer ay ku tageen qaar ka mid ah Xerayaha ay ku jiraan dadka soo barakacay ku ogaadeen dhibaatooyinka ugu badan ee haysta dadkaasi isaga oo ku tilmaamay in caafimaadku ugu horeeyo,  maadaama ayuu yiri aysan haysan daryeel caafimaad oo gaar ah.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu ka cadsaday dhinaca hay’adda in ay Arimahaa gacan buuxda ka geeystaan isaga oo balan qaadan in maamulku gacan ka siin doono hay’adda wax yaaba markaa ay uga baah-daan sida Nabad-galyada oo kale..

 

Mas’uuliyiinta hay’adda M S F oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay arinta ku saabsan in gacan la siiyo dadka soo barakacay, waxaana ay sheegeen in howlaha hay’addu qabato badi ku wajahan yihiin dhinaca Caafimaadka “”” Waan dad mudan in wax loo qabto, Ilaa xadna xooga ayeeynu saareynaa in aynu daboolno baahiyaha jira ayuu yiri  Mr. Cosifo oo madaxa hay’adda M S F qeybta gobalka Hiiraan, Labada dhinaca ayaa ugu danbeytii ku balamay in marka hore si wada jira ah ay u soo kor meeraan xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay si markaa loo helo qiimeyn sax ah oo laga duuli karo,

 

Waa markii ugu horeysay oo  kulan kan uu oo kali ah ay wada qaateen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka iyo waliba hay’adaha gar gaarka ee ka howl-gala gudaha gobalka, gaar ahaan arinta ku saabsan dadka soo barakacay oo la oran karo waa kuwo bilihii ugu danbeeyay lasyka iloobay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).