Arbaco,
Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in sababta ay amarkaas u soo saareen ay tahay iyadoo ay soo bateen Masjiyada Muqdisho ku yaala iyo weliba Dadka wax ku aqriya, “Waxaa jira masjidyo ay shakhsiyaad dhiseen iyo kuwo ay Hay’ado iyo Shirkado dhiseen, kuwaasi oo qaarkood la isku dilay, halka kuwo kalena uu khilaaf ka taagan yahay”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho.
Shiikh Cali Dheere waxaa uu sheegay in marka la diiwaangeliyo masjidyada iyo Dadka wax ku aqriya lagu kala qiimeyn doono sida ay u kala aqoon badan yihiin, isagoo carrabka ku dhuftay in ay jiraan dad aan aqoon badan lahayn oo hadana Masjidyo wax ka aqriya.
Shiikh Cali Dheere waxaa uu beeniyay in ay wax iska khuseeyaan Ciidamo howlgallo ka sameeyay Masjidyo Muqdisho ku yaala iyo amarka ay soo saareen ee ah in ay maamullada Masjiyada iska Diiwaangeliyaan Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta.
“Wixii amni ku saabsan waxaa la weydiin karaa Hay’adaha ku shaqada leh, balse annaga waxaan dooneynaa in la maareeyo is-barbar-yaaca Masjidyada Muqdisho ku yaala”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere oo intaas ku daray in aysan wasaarad ahaan weli soo gaarin wax cabasho ah oo ka yimid masjidyada howlgallada laga sameeyay.
Masjidyada Abaa Hureyra, Al-Huddaa iyo Shiikh Cali Suufi oo ku kala yaala Degmooyinka Howl-Wadaag, Huriwaa iyo Hodan ayaa dhawaan waxaa baaritaano ka sameeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo seddexdaas Masjidna ay Ciidamadu ka kaxeysteen Dad u galay in ay ku cibaadeystaan.
Ugu Dambeyntiina, Lama oga sida ay Maamullada iyo Khadiibyada Masjiyada Muqdisho ku yaala ugu hoggaansami doonaan amarkan ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Xukuumadda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






