11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Maxaa laga filan karaa Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 18, 2007(HOL): Waxaa 15-kii Bishan ka Furmay Xerada Gadiidka Booliska  ee Magaalada Muqdisho Shirka Dib u hishiisiinta Beelaha Soomaaliyeed kasoo kol hore uu ku dhawaaqay Madax-weynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed kadib markii uu cadaadis ku aadan qabashada shirka uu kala kulamay Beesha Caalamka.

 

Haddaba Ergo isugu jirta  Salaadiin, Odayaal dhaqameed, Aqoonyahano, iyo waliba Wax-garad kale oo ay ku jiraan Ururada Haweenka ayaa soo buux-dhaafiyay 15kii Bishan Hoolka loogu tala galay uu ka sii socdo Shirka Dib u hishiisiita iyaga oo ugu horeyna ka qeyb-galyaasha hadal aad u dheer ka dhageysteen Madax-weyne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Laakiin marka laga soo tago in shirku Najaxay laguna guuleystay in la bilaabo qabsoomidiisa ayaa waxaa jira Su’aalo Taxno ah oo dhamaatoodu ku saleysan shirka iyo ugu danbeytii waxa laga Fili karo in uu ka soo baxo..?  Maadaama la wada og-yahay Xarig Jiidka Siyaadeed ee u dhaxeeya qeybaha ku loo lamaya sida loo maamulayo dalka.

 

Ugu horeyn marka la eego, lana sii saadaaliyo natiijada ugu wanaagsan ee shirkani laga dhaxlayo waxaa laga soo qaadan karaa Guul u soo hoyata Dowlada Federaalka oo ah qodobka ugu weyn ee dhinaca dowladda ka faa’iidi karto shirka, Waayo waa markii ugu horeysay oo Gudaha dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho lagu qabto shir Soomaalida u gaar ah laysuguna keeno Ergo intaa la eg gudaha Caasimada wali qaraxyo ka dhacayaan.

 

Tan kale ee la oran karo waa laga dhaxli karaa shirka  waxaa la oran karaa waa tan Beelaha oo waxaa dhici karta inta shirku socda in ay ka faa’idaan Salaadiin aan fursad u helin mudo 16sano, islamarkaana ay kawada hadlaan hadiiba uu jiro khilaaf u dhaxeeya Beelaha ay ka soo kala jeedaan, iyo waliba in Xitaa Beeluhu wada hadal kooda u sii gudbiyaan dhinaca Siyaasada si loo qafiifiyo ugu yaraan Khilaafyada Siyaasadeed ee taagan.

 

Natiijada Shirka dib u hishiisiinta Soomaalida oo ah mid dhinacyo badan taabaneysa ayaa hadana marka si kala loo eego waxaa lays-weydiin karaa Door intee la eg ayuu shirkani ka qaadan karaa in uu soo afjaro Xasaradaha wali ka oogan Caasimada Muqdisho..?

 

Dad badan ayaa qaba Xasaradaha aan dhamaadka laheyn ee ka taagan Magaalada Muqdisho in aysan aheyn kuwo ku xeran Beel iyo dhaqan toona, lakiin arimuhu salka ku hayaan dhinaca Siyaasada oo hadii ay wada hadlaan kooxaha iska soo horjeeda markaa xiisadu dhamaan laheyd, lakiin marka aynu eegno doorka shirkani ka qaadan karo xasaradaha oogan ayaa waxaa la oran karaa waa in shirku u sii gogol xaaro shir ka duwan kan hada socda kaasoo ku saleysan mid Siyaasadeed si markaa looga baxo  Arimahan u eg ( I jiid Aan ku Jiido waa Gacmo daalis)

 

Sikastaba arrintu ha ahaatee, shirka dib u hishiisiita Soomaalida waa mid Baal cusub faraya Maxaa yeelay dadku waxaa uu arkaa Caasimadii Muqdisho oo marti galisay in badan 1000 Ergo Soomaali ah taasoo ay mar hore ugu danbeysay, waxaase loo joogaa ugu danbeytii waxa la fisho.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).