
Talaado, July 17, 2007HOL): iyadoo ay maalmahan soo baxayeen Jufooyin ka cabanaya in Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay uga qeybgelayaan xubno aysan soo xulan ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Warqadda Casuumaadda ah ee shirka looga qeybgelayo uu qiimaheedu gaaray 100$ (Boqol Doollarka Mareykanka ah.
Jufooyin ka tirsan Beelaha Reer Aw-Xasan, Leel-kase, Ajuuraan iyo Digil iyo Mirifle ayaa xubno u hadlay waxay ka cabanayeen in ay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed u metelayaan xubno aysan soo xulin duubabka dhaqanka Beelahooda, kuwaasi oo sida ay yiraahdeen ay keensadeen Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Cusmaan Ibraahim oo ka mid ah gacan-yarayaasha Suldaanka Beesha Ajuuraan ayaa sheegay in Liis uu Suldaanka soo gudbiyay uu guddiga Qaban-qaabada Shirka Dib u heshiisiinta meel iska dhigay, isla markaana uu qaatay mid ay u soo gudbiyeen Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Malaaq Maxamed Yacquub oo ka mid ah Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle oo isna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sida uu yiri gacma-gacmeeyeen xubnaha shirka ka qeybgelaya, halkii la rabay in Duubabka dhaqanka soo xulaan, wuxuuna sheegay in aysan shirka u fadhin xubnihii saxda ahaa.
Ugaas Ibraahim Ugaas C/llaahi oo sheegay in uu yahay Ugaaska Beesha Reer Aw-Xasan ayaa sheegay in ay qaadaceen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna qaadacaadooda ku sababeeyay in aanan cadaalad lagu maamuleynin shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed.
Haddaba iyadoo ay cabashooyinkaas jiraan ayaa hadana waxaa maanta la maqlay in warqadaha Shirka looga qeybgelayo (Invitations) la kala iibsado lacag dhan 100$, taasi oo la siinayo qofkii la imaan kara boqolka Doollar, “Waxaan ogaaday in qofkii aanan Boqol Doollar heysan in uusan shirkaas ka qeybgeleynin, anigana waxaan gartay in haddii aanan lacagtaas heysan in ay ii kheyr-roon tahay in aan shirka banaanka ka joogo” ayuu yiri C/qaadir Abaabul.
C/qaadir Maxamuud Maxamed (Abaabul) oo ka soo jeeda Beesha Daacuud ee Wacbuundhan Abgaal ayaa maanta shaaca ka qaaday in Beeshiisa ay shirka u metelayaan Wiil iyo Adeerkiis, kuwaasi oo uu sheegay in aan la soo magacaabin.
“Hadana waxaan ogaaday in ay shirka u fadhiyaan Beesha Daa’uud 30 Xubnood, kuwaasi oo markii aan weydiiyay sida ay ku yimaadeen la ii sheegay in ay keensadeen C/raxmaan Shifti iyo C/llaahi Shiikh Xasan, waxaa kale oo aan soo ogaaday in Warqadda Invitation-ka ah ee shirka looga qeybgelayo in qofkii raba uu ku heli karo 100$, “Waxaa la igu yiri hadda ma heysataa boqol Doollar waa lagu siinayaa Warqadda ka qeybgalka shirka”ayuuna hadalkiisa ku sii daray C/qaadir Abaabul.
C/qaadir Abaabul waxaa uu sheegay in ay arrintaas tahay mid weji gabax ku ah Guddiga Qabanqaabada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in wax laga qabto maamul xumada ka dhex jirta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa loo qoondeeyay sida aan ka soo xiganay dad ku dhow-dhow howl-wadeenada shirka Lacag habeen dhax ah oo cadadkeeda uu u dhaxeeyo 40-50 Doollar maalintii, taasi darteed ayaana la rumeysan yahay in ay keentay in ay Jufooyinka Beelaha Soomaaliyeed u tartamaan gudbisashada Liiska Xubnaha Shirka uga qeybgelaya, isla markaana ay isku mucaaradaan.
Dhanka kalena, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta hadal saxaafadeed uu soo saaray wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay kalsoonida kala laabato Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ay sheegeen in uu wax u wado qaab aan wanaagsaneyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in Golaha Baaqan soo jeediyay ay ka soo horjeedaan qaabka loo qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






