Talaado, July 17, 2007(HOL): Guddoomiyaha Shirkii Dib u heshiisiinta ah ee Soomaalida lagu qabtay Dalka Kenya, isla markaana ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya Bethuel Kiplagat ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya ay si weyn uga murugsan tahay Dowladda Kenya.
Wuxuu sheegay in marka uu dalka Kenya dhex socdo wax laga weydiiyo Arrimaha Dalka Soomaaliya meesha ay marayaan,” Wax la igama weydiiyo Kenya iyo meelo kale, markaas oo kale waxaan iraahdaa Soomaaliya wax fiican kama socdaan, laakn rajo wanaagsan ayaa jirta”ayuu yiri Bethuel Kiplagat oo ka hadlayay furitaanka Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
“Shirkan haddii aan la igu casuumi lahayn xitaa waan imaan lahaa sababta ma taqaaniin, waxaan doonayaa in ay Soomaaliya xasisho. Soomaaliya iyo
Mar uu Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta uu la dardaarmayay waxaa uu sheegay in uusan waanineynin Dadka Soomaaliyeed, sababtoo ah buu yiri waa dad leh dhaqan wanaagsan oo faraya in ay dulqaad muujiyaan, “Waan idin jecelnahay idin waanin maayo waayo Soomaali ayaad tihiin dhaqan wanaagsan ayaadna leeyihiin ee dulqaad muujiya”ayuuna yiri Kiplagat.
“Marka aad shirka soo gebagebeyneysaan waan idiin soo laaban doonaa iyadoo ay ila socdaan Qoyskeyga iyo Asxaabteyda”ayuu yiri Kipagat oo ergooyinka shirka ka qeybgelaya u sheegay in looga fadhiyo in ay shirka ka soo saaraan wax Soomaaliya ka saara dhibaatada ay ku jirto.
Madaxweynaha
Bethuel A. Kiplagat waxaa lagu xusuustaa kaalinkii uu ku lahaa Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee mudada labada sano ah ka socday Dalka
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






