11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

JaaliyaddaSoomaaliyeed ee ku dhaqan Columbus-Ohio oo Deeq lacageed gaarsiisay Gabar Soomaaliyeed oo ay Afka buro weyn uga soo baxday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 16, 2007(HOL): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka (Ohio Columbus) ee dalka Maraykanka ayaa maanta deeq lacageed soo gaarsiisay Binti Jeylaani Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo la il-daran buro afka kaga soo baxday taasoo ay dhaqaatiirta Soomaaliyeed horay u sheegeen in aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin.

 

Lacagtaan oo ah lacagtii ugu balaarnayd ee soo gaarta Binti Jeylaani Maxamed ayaa waxaa soo diray C/casiis Cali Daad oo wakiil ka ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Columbus ee dalka Mareykanka, iyadoo deeqdaasina uu maanta guddoonsiiyay gabadha xanuunsa C/xakiin Cilmi Xasan ka mid ah howlwadeenada Xafiiska Dayniile iyo Qarannimo ee Muqdisho oo isagu deeqdaasi la soo mariyay, waxaana goob-joog ka ahaa munaasabaddii guddoonsiinta deeqdan oo ka dhacday isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho maamulka shirkadda xawaalada Amal Express xarunteeda Muqdisho.

 

Deeqdan oo qayb ka ah deeqo isdaba-joog ah oo Binti Jeylaani ay mudooyinkanba soo gaarsiinayeen qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo Amerika ayaa ka dambeysay kadib markii muuqaalka Binti oo ah mid naxdin leh laga daalacday Dayniile iyo Qaranimo oo lagu baahiyay si loogu bandhigo shacabka Soomaliyeed, isla markaana wax looga qabto xaaladeeda caafimaad oo muddooyinkanba ka soo dareysay.

 

Maamule ku-xigeenka shirkadda Amal qeybta Koonfurta Somalia C/raxmaan Max’ed Ducaale oo goob-joog ka ahaa guddoosiintan lacageed ee Binti ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay kaalmo lacageed guddoonsiiyaan Binti oo ah gabar Soomaaliyeed oo la ildaran xanuun dhinaca Afka ah, wuxuuna sidoo kale u mahad celiyay maamuleyaasha shirkadda Amal ee Colombo ee dalka Mareykanka oo ka soo uruuriyay lacagtan macaamiishooda iyo weliba Jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan.

 

Binti Jeylaani ayaa ka mahad celisay deeqdan lacageed ee ay ku tabaruceen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka iyo guud ahaanba dadkii kala duwanaa ee horey deeqaha kala duwan u soo gaarsiiyey.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).