11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

MAXAMED XASAN XAAD: “Shirka Dib u heshiisiinta wuxuu ku socdaa qodobo aan soo jeedinay in wax laga bedelo, sidaas darteedna waxba kama soo bixi doonaan”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 16, 2007(HOL): Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in aysan wax natiijo ah ka soo bixi doonin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maalintii shalay ahayd ka furmay magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in uu shirka ku socda qodobo ay soo jeediyeen in wax laga bedelo, sidaas darteedna aysan arkeynin wax natiijo ah oo ka soo bixi doona, “Shirka Dib u heshiisiinta wuxuu ku socdaa qodobo aan soo jeedinay in wax laga bedelo, sidaas darteedna waxba kama soo bixi doonaan” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

 

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxaa uu ka hadlay sababaha ay ku diidayaan ka qeybgalka shirka Dib u heshiisiint aSoomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay sababahaas yihiin in aysan ammaan ahayn meesha shirka lagu qabanayo, in aanan shirka looga hadleynin arrimaha siyaasadda, isla markaana aan la isugu keeneynin dadka siyaasadda isku haya iyo in Qolada Shirka maamuleysa ay yihiin kuwo aan dhexdhexaad ahayn.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in aaney jirin beelo Soomaaliyeed oo khilaafaadyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay jiraan khilaafaadyo siyaasadeed oo u baahan in laga heshiiyo.

 

Dhanka kalena, Xubno ka tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maalintii shalay ahayd waxay ka qeybgaleen furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana xubnahaas ka mid ahaa C/llaahi Shiikh Xasan, Xasan Kacaan iyo xubno kale, iyadoo Xaaji Cabdi Iimaan oo guddoomiye ka ahaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye uu taageeray qabashada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda qaabka loo qabanayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in haddii shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed laga dhigo  mid looga hadlo khilaafaadyada siyaasadeed ay dhamaan doonaan Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).