12 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Ciidamo Mileteri ah oo suuqaas lagu daadiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 16, 2007(HOL):  Qaraxyo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhimashada 6 ruux  oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba dhaawac shan ruux ah.

 

Qaraxyada oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxiga Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha ee ku yaala Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxay sababeen in dhintaan 5 shan ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ay haleeshay rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

Sidoo kalena Qarax ka dhacay Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax ayaa waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo haweeney Wadada mareysay, iyadoo qaraxaasina la sheegay in uu ahaa Bambo gacmeed.

 

Suuqa Bakaaraha oo maalintii 12aad aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ayaa maanta waxaa lagu sii daayay Ciidamo Mileteri ah oo tiro badan, kuwaasi oo dadka ka celinayay waddooyinka gala Suuqa.

 

Ciidamadan Mileteriga ah ayaa Suuqa Bakaaraha la geeyay kadib markii ay Ciidamada booliska maaro u waayeen Kooxaha wax qarxiya oo aysan mid ka mid ah gacanta ku soo dhigin tan iyo intii ay howlgallada ka bilaabeen Suuqaas.

 

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in qaraxyada ka dhaca gudaha Suuqa ay yihiin kuwo ay lug ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Suuqa uu qarka u saaran yahay in ay ganacsatada ka baro-kacaan.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabato dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha, isagoo caddeeyay in ay u hoggaansami doonaan ammarrada ay Dowladda ku soo rogto, “muddo 12 maalmood ah wax ganacsi ah kama jiro Suuqa Bakaaraha, wuxuuna qarka u saaaran yahay in ay ganacsatada ka baro-kacaan”ayuu yiri Cali Dheere.

 

Ugu dambeyntina, Suuqa Bakaaraha ee magaaalada Muqdisho ayaa wuxuu yahay Suuqa ugu weyn Soomaaliya, waxayna dhibaatada ka taagan saameyn ku yeelatay nolosha dad badan oo ku tiirsanaa dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee Suuqaas ka socday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).