12 C
London
Monday, November 10, 2025

Maxamed Dheere oo sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin Kooxaha Falalka Nabadgelyo darrada ah ka wada Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 14, 2007HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ugu baaqay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ee wax tabanaya in ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ciddii wax tabaneysa looga baahan yahay in ay tagto madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, halkaasina ay ka sheegto wixii ay qabto, isla markaana ay iska deyso dhibaatooyinka ay abuureyso.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu intaas ku daray in haddii ay kooxahaas diidaan in ay ka qeybgalaan shirka, isla markaana ay dhibaatooyinka sii wadaan in aysan Dowladda gacmaha ka laaban doonin.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in uu maqlay in kooxo ka soo horjeeda qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay meelo ka mid Muqdisho warqado ku daadiyeen iyagoo sheegaya sida uu u yiri in ay qoorta ka jarayaan qofkii ka qeybgala Shirkaas, “Waxay sheegaan in ay Janno gelayaan kooxaha dilalka geysta, waa yaabe halkee Diinta kaga jirtaa in Janno lagu gelayo haddii la dilo Qof Muslim ah”ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Hadalka Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saacado kaliya ay ka harsan tahay qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ka qeybgalkiisa ay ka digeen Kooxo hubeysan oo Muqdisho warqado ku daadiyay iyo Maxkamadihii Islaamka oo iyaga sheegay in ay weerari doonaan halka Shirka lagu qabanayo.

 

Dhanka kalena, Afhayeen u hadlay culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo lagu magacaabo Shiikh C/qaadir Soomow ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta in dib loo dhigo Shirkaas, isla markaana shirka laga soo qeybgeliyo kooxaha qabashadiisa ka soo horjeeda.

 

Shiikh C/qaadir Soomow waxaa kale oo uu intaas ku daray in uu ku talinayo in shirka laga soo qeybgeliyo Xubnaha ku sugan Asmara, isla markaana ergooyin loo diro, isagoo carrabka ku dhuftay in haddii sidaasi la sameeyo uu shirka guuleysanayo.

 

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay C/qaadir Soomow in ay taageersan yihiin in uu qabsoomo Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay ka soo baxaan wax xal u noqda dhibaatada 17 sano jirsatay ee Soomaaliya ka taagan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).