12 C
London
Monday, November 10, 2025

Hotello la dejiyay Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo xalay la weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 14, 2007HOL): Ergooyin ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maalintii shalay ahayd soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu weeraray Hotello la dejiyay oo Muqdisho ku yaala.

 

Ergooyinkan oo la kala dejiyay Hotellada kala ah Garguurte iyo Hotel lagu magacaabo Napuli oo Degmada Yaaqshiid ku yaala ayaa waxaa weeraray kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, iyadoo weerarka Hotelkaas lagu qaaday kadib la maqlayay rasaas xooggan oo ay isku ridayeen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo Hotelladaas ilaalinayay iyo Kooxihii weerarka soo qaaday.

 

Ergooyinka la dejiyay Hotelladan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwii ka yimid Gobollada Puntland iyo Gobollada Jubbooyinka, kuwaasi oo Muqdisho u tegay sidii ay uga qeybgeli lahaayeen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la qorsheynayo in uu maalinta berri ah ka furmo Magaalada Muqdisho.

 

Weerarrada xalay lagu qaaday Ergooyinka Shirka ka qeybgelaya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo mas’uul u hadlay Maxkamadihii Islaamka oo lagu magacaabo Macallin Xaashi Maxamed uu uga digay Dadka Soomaaliyeed in ay shirkaas ka qeybgalaan, iyadoo sidoo kalena Muqdisho lagu daadiyay Warqado lagu sheegayo in la dili doono qofkii ka qeybgala Shirka Dib u heshiisiinta.

 

Weerar kale ayay kooxo hubeysan ku qaadeen Xarunta Shiirkole oo fariisin u ah Qaar ka mid ah Ciidmada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, iyadoo weerarkaasina la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jireen Qoryaha RPG-ga, kuwaasi oo ay adeegsanayeen kooxihii weerarka ku qaaday Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Sidoo kalena labo Qarax oo waa weyn ayaa habeenkii xalay ahaa laga maqlay, kuwaasi oo la sheegay in ay ahaayeen Miinooyinka Dhulka lagu aaso, lamana soo sheegin cid ay wax u geysteen Qaraxyadaas.

 

Qaraxyada iyo Weerarrada xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo la filayo in maalinta berri ah uu bilowdo Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo qabashadiisa ay ka soo horjeedaan Maxkamadihii Islaamka iyo Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye.

 

Habeenkii Arbacada ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerarro madaafiic loo adeegsaday, kuwaasi oo lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo xaafad u dhow Xarunta Gaadiidka Booliska oo ah halka lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa laga yaabaa in ay si weyn u baqaan marka uu gaaro warkan hanjabaadda ah ee ka soo yeeray Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartmaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).