13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo Diyaarado iyo Baabuur lagu doonay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, July 13, 2007HOL): Diyaarado iyo Baabuur ayaa maanta loo diray Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maalinta Axadda ah ka furmaya magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa sheegay in horay Muqdisho u soo gaareen ergooyin badan oo ka qeybgelaya shirka dib u heshiisiinta, halka kuwa harayna maanta loo diray Diyaarado iyo Baabuur Muqdisho keenta.

 

C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in ay diyaar tahay halka Shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed iyo weliba halkii Ergooyinka la dejin lahaa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aaney jirin wax caqabad ah oo shirka dib u dhigi kara.

 

Ammaanka halka Shirka lagu qabanayo ayuu sheegay in ay sugayaan Ciidamada  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa  Itoobiyaanka ah ee Muqdisho kula sugan, wuxuuna meesha ka saaray in ay jirto cabsi laga qabo in ay dhacan falal amni darro ah.

 

Ka qeybgalka shirkaas waxaa qaadacay qaarka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in aysan shirkaas ka qeybgeleynin haddii aanan looga hadleynin khilaafaadyada Siyaasadeed, iyagoo caddeeyay in aysan jirin Beelo Soomaaliyeed oo khilaafyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo.

 

Sidoo kalena Madaxda Maxkamadihii Islaamka oo uu horeeyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed  ayaa sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgeleynin, iyagoo sheegay in aanu Dalka Soomaaliya ahayn mid xiligan lagu qaban karo shir dib u heshiisiineed sabab la xirirta in ay Dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo la heysto oo aan xor ahayn.

 

Haddaba iyadoo furitaanka Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay  wax ka yar maalin  ayaa habeen hore waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo xiriir ah oo aan horay uga dhici jirin Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uga sii daraya Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho oo awalba ahayd mid aan hagaagsaneyn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).