13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaraxyo Muqdisho ka dhacay oo Dad ay ku dhaawacmeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 12, 2007(HOL): Labo Qarax oo ka kala dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Qarax ka dhashay Miino Dhulka lagu aasay ayaa wuxuu ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaan meel u dhow  Xaruntii Xero Jarmal, iyadoo qaraxaasina ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo saarnaa gaari Rakaab ah oo ku sii jeeday Suuqa Xoolaha.

 

Qaraxaasi ayaa la sheegay in loola dan lahaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi marayay, kuwaasi oo la sheegay in aysan wax khasaare ah ka soo gaarin Qaraxaas.

 

Labo Qarax oo kale ayaa waxay ka dhaceen gudaha Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ka dhashay Bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo qaraxyadaas kadibna ay dhacday Rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada Dowladda ee ku sugan gudaha Suuqaas.

 

Qaraxyadaan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo habeenkii xalay ahaa ay Magaalada Muqdisho ka dhaceen Madaafiic qaarkood lala beegsaday Xarunta Villa Somalia ee fariisinka u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo sidoo kalena Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Suuqa Bakaaraha ayaa muddo 8 maalmood ah waxaa uu yahay mid aaney ka socon wax ganacsi ah oo la taaban karo, waxaana gudaha Suuqaas ka dhaca Qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Rasaas ay Ciidamadaas ku jawaabayaan marka Qaraxa loo geysto.

 

Waxaanan shaqeynin go’aano ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddi Ganacsato ah oo ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir oo  kulan wada yeeshay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in Ciidamada Dowladda iyo Ganacsatada ay wada shaqeeyaan, in Ciidamo Boolis ah la siiyo Shirkadaha waa weyn ee Ganacsiga iyo in Gudaha Suuqa laga sameeyo Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgallada sameynaya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay Magaalada Muqdisho uga dhigi lahaayeen mid ammaan ah oo la isku haleyn karo, hayeeshee waxaa dadaalkoodaas ka soo horjeeda kooxo hubeysan oo falal Dilal iyo Qaraxyo ka sameeya Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).