Khamiis, July 12, 2007(HOL): Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu qabsoomayo xiliga loo asteeyay ee ah 15-ka bishan.
C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in ay jirin wax caqabad ah oo keenaya in uu shirkaas dib uga dhaco waqtiga qabashadiisa loogu talagalay, isagoo farta ku fiiqay in ay diyaar yihiin wax kasta oo shirka lagu qaban lahaa.
“Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waa uu qabsoomayaa xiliga loogu talagalay, ergooyinkii ka qeybgeli lahaana waa ay soo bilowdeen” ayuu yiri C/raxmaan Shifti, Afhayeenka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Afhayeenka waxaa uu intaas ku daray in ergooyinka shirka ka qeybgelaya ay soo bilowdeen, inta harsanna ay imaan doonaan saacadaha soo socda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Beelaha Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay shrikaas ka qeybgalaan.
“Ergooyinka ka imaanaya Gobollada ka fog Caasimadda Soomaaliya waxaa loogu talagalay in lagu soo daadgureeyo Diyaarado, kuwo ka imaanaya Gobollada dhowna mar hore ayay yimaadeen, shirkana waa uu furmayaa xiligii loogu talagalay”ayuu yiri C/raxmaan Shifti.
Ka qeybgalka shirkaas waxaa qaadacay qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in aysan shirkaas ka qeybgeleynin haddii aanan looga hadleynin khilaafaadyada Siyaasadeed, iyagoo caddeeyay in aysan jirin Beelo Soomaaliyeed oo khilaafyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo.
Sidoo kalena Madaxda Maxkamadihii Islaamka oo uu horeeyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgeleynin, iyagoo sheegay in aanu Dalka Soomaaliya ahayn mid xiligan lagu qaban karo shir dib u heshiisiineed sabab la xirirta in ay Dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo la heysto oo aan xor ahayn.
Haddaba iyadoo furitaanka Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay wax ka yar 72 saacadood ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo xiriir ah oo aan horay uga dhici jirin Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uga sii daraya Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho oo awalba ahayd mid aan hagaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






