13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaar ka mid ah Shirakadaha Xawaaladaha Soomaaliyeed oo shir ka yeeshay Sharci lagu soo rogay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 11, 2007(HOL): Waxaa taariikhdu markay ahayd 28kii Juun 2007, fadhi ku yeeshay magaalada London ee dalka Ingiriiska Shirkadaha Xawaaladaha ee kala ah: Amaana, Hodanglobal, Ifitin, Kaah, Mustaqbal, Olompic iyo Tawakal, kuwaasi oo ka howlgala Dalka Ingiriiska.

 

Fadhigan ayaa looga wada hadlay sharciyada cusub ee ku saabsan diridda lacagaha guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku saabsan in macaamiisha laga qaado waraaqaha aqoonsiga.

 

Shirkaas ayaa intii uu socday waxaa la isla qiray sida ay uga biyo-diidan yihiin macaamiisha qaarkood  in laga qaado waraaqo aqoonsi marka ay lacagaha dirsanayaan, dhibaato badanna ay arrintan ka soo wajahday, hayeeshee waxaa hadana la is-tusiyay in fulinta sharcigan lagu soo kordhiyay ay ku qasban yihiin, isla markaana aysan lahayn wax doorasho ah.

 

Mas’uuliyiintii Shirkadahaas ka socday ayaa waxay u sheegeen macaamiishooda sharafta leh in ay ku qasban yihiin fulinta sharciga lagu soo rogay, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay macaamiisha iyaguna la qaataan.

 

Waxaa si xushmad iyo qadarin mudan loogu soo jeediyay macaamiisha codsi ku salaysan  in dhammaan goobaha ganacsi ee shirkadahanu ka howlgalaan ay u fududeeyaan fullinta sharciyada cusub, una saamaxdaan inay copy ka sameystaan waraaqihooda aqoonsiga mar alle iyo markay lacagaha aad dirsanayaam gaarto lacag u dhiganta Euro 1,000.00 ( Kun Euro oo keli ah ).

 

Haddaba ciddii dooneysa faahfaahin ku saabsan  sharcigan lagu soo rogay Shirkadaha Xawaaladaha Soomaaliyeed ee ka howlgala Dalka Ingiriiska waxay la xiriiri kartaa Xafiiska Ururka Somali Financial Services Association ( Europe ) oo ah Urur ku howlan Horumarinta iyo Bad-baadinta Xawaaladaha Soomaaliyeed

 

Unit # 3002, Access House

1 Nestle Avenue

Hayes, Middlesex

UB3 4UZ

England, UK 

PHONE # 44(0)20-86060824

Sfsa-europe@sfsa-online.org 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).