Arbaco, July 11, 2007(HOL): Shirar iyo gaar gaar ah oo loogu gogol-xaarayo qaabka loogu qeyb-galyo shirka dib u hishiisiita Beelaha Soomaalida oo la filayo in lagu qabto 15 bishan Caasimada Muqdisho ayaa Magaalada B/weyn waxaa uu uga socdaa qaar ka mid ah beelaha dega Gobalka Hiiraan.
Shirarka oo intooda badan Beeluhu uga doodayaan sida loo qeybsanayo Xubnaha Gobalku Hiiraan uu ka helay Ergada ka qeyb-qaadanaysa shirka, ayaa dhanka kale waxaa Xusid mudan in Beelaha Kulamadu u socdaan xooga saarayaan sida loo wajahayo Qodobka dib u hishiisiinta oo aad moodo in Beeluhu ka qabaan aragtiyo kala duwan.
Beesha Gaal-jecel oo ka mid ah Beelaha dega Gobalka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada B/weyn waxaa ay ka soo saareen Qodobo dhowr ah oo sharuud ku xiraya ka qeyb-galka shirka, iyaga oo sheegay in Beeshu aysan ku qanacsaneyn qaabka shirka loo soo abaabulay gaar ahaan marka la eego Dib u hishiisiinta Beelaha oo ay leeyihiin taa waa in lagu badalo dib u hishiisiin Siyaadeed, maxaa yeelay sida ay qabaan Wax-garadka Beeshaasi Ma’jiraan Beelo is haya ee waxaa jira Kooxo siyaada isku haya.
Sidoo kale kulan sida wada jir ah ay u wada qaateen Wax-garadka iyo waliba Aqoonyahanka Beesha Xawaadle ayaa waxaa lagu go’aan saday in ay lagama maar maan tahay in laga wada qeyb-galo shirka dib u hishiisiinta Soomaalida oo ah ayeey ku sheegeen kulankooda mid meesha ka saaraya Colaadii mutada dheer u dhaxeysay Beelaha Soomaalida, waxaana ay intaa ku dareen in hadii ay beeluhu hishiiyaan siyaasaduna hagaagi karto.
Shirka Dib u hishiisiinta Beelaha Soomaalida oo qabsoomidiisa dhowr Maalmood uun naga xigto ayaa waxaa soo baxaya aragtiyo iyo waliba mowqifyo kala duwan oo ay ka qabaan Beelaha Soomaalida oo qaarkood qaba in ay muhiim tahay ka qeyb-galka shirka halka kuwo kalana leeyihiin ma’jiraan Beelo dagaalsan sidaa daraadeed waa in shirku noqdaa mid siyaasadeed.
Magaalada B/weyn ayaa laga dareemayaa abaabul ay wadaan Beelaha qaar oo dayaarinaya Ergadii uga qeyb-qaadan laheyd shirka, halka qaar ka mid ah Beeluhuna goor hore sii direen Xubnaha u matalaya Shirka dib u hishiisiinta Qaranka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






