13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaraxyo saakay ka dhacay Labada Suuq ee ugu waa weyn Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 11, 2007(HOL): Labo qarax oo wax yar kala dambeeyay ayaa saakay waxay ka dhaceen labada Suuq ee ugu waa weyn Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasina ay sababeen dhaawaca seddex askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ciidamo Boolis ah oo ku qaxweynayay Biibito ku taala Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan meesha loo yaqaano Cabdalla Shideeyaha ayaa Bambo Gacmeed lagu tuuray, kadibna waxaa halkaas ku dhaawacmay labo Askari oo ka mid ahaa Ciidamada meesha ku qaxweynayay.

 

Askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho, wuxuu qaraxaasi ka dhashay Miino dhulka lagu aasay.

 

Goobihii ay qaraxyadaas ka dhaceen ayaa waxaa tegay Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo bilaabay in ay baaraan guryihii u dhawaa halkii uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo dadkii halkaas ka dhawaana rasaas ku kala ceyriyay.

 

Qaraxyadaan saakay ka dhacay labada Suuq ee ugu waa weyn magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo habeenkii xalay ahaa ay deganeyd xaaladda Magaalada Muqdisho oo habeennadii aynu ka soo gudubnay ay qaraxyo ka dhacayeen.

 

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay Magaalada Muqdisho uga dhigi lahaayeen mid ammaan ah oo la isku haleyn karo, hayeeshee waxaa dadaalkoodaas ka soo horjeeda kooxo hubeysan oo falal Dilal iyo Qaraxyo ka sameeya Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Afar maalmood ayaa ka harsan waqtigii loo ballansanaa in magaalada Muqdisho lagu qabto shirweyne dib u heshiisiin Soomaaliyeed, kaasi oo la isugu keenayo Beelaha Soomaaliyeed, si ay uga heshiiyaan colaado horay u dhexmaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).