Arbaco, July 11, 2007(HOL): Hay’adaha Cuntada Adduunka WFP iyo Badaha Caalamiga ah ee IMO oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxay ku baaqeen in tallaabo laga qaado kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Hay’adda Badaha Caalamka Mr. Efthimios E. Mitropoulos, iyo Madaxa Hay’adda WFP haweeneyda lagu magacaabo Josette Sheeran oo ku shiray Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxay walaac ka muujiyeen dhibaatada ay kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Xeebaha Soomaaliya.
“80% kaalmada aan dadka Soomaaliyeed gaarsiino waxaan u marsiinaa dhinaca Badda, balse haatan kala bar kaalmadaas waa istaagtay sabab la xiriirta kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha Af-duubta”ayay tiri Josette Sheeran.
Josette Sheeran waxay sheegtay in Kooxaha Burcad Badeedka ay yihiin kuwo aan si sahal ah lagu qaban karin oo heysta hub iyo Doomo dheereeya oo casri ah, kuwaasi oo ay Maraakiibta ku ceyrsadaan, sidaas darteedna loo baahan yahay in Badda Soomaaliya loo fasaxo Maraakiibta Xeebaha ilaaliya.
Xoghayaha guud ee Hay’adda Badaha Caalamka Mr. Efthimios E. Mitropoulos ayaa horay Qaramada Midoobay uga codsaday in ay Dowladda Federaalka cadaadis ku saarto sidii ay u ogolaan lahayd in ay biyaha Soomaaliya galaan maraakiibta Dagaalka, si ay uga hortagaan kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.
Sanadkii hore ee 2006 ayaa waxaa Xeebaha Soomaaliya lagu af-duubtay 10 Markab oo ay ku jireen Maraakiib u kireysnaa Hay’adda WFP, halka sanadkan oo aan weli dhamaanin ay tirada Maraakiibta lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya gaareyso 15 Markab, waxayna taasi WFP ku tilmaamay khatar ku soo kordheysa xeebaha Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa waxay dooneysaa in ay raashin mucaawino ah gaarsiiso ilaa Hal Milyan oo Dad ah oo ku macluulsan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jira kuwo ay ka baaba’een Beerihii Tacbadeen iyo kuwo ay waxyeeleeyeen isku dhacyada ka taagan Dalka Soomaaliya, inkastoo ay Hay’addu dhibaato dhinaca Burcad Badeedka ah ka heysato sidii ay dadkaas kaalmo deg deg ah u gaarsiin lahayd.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






