13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Degmada Boondheere oo ka soo reyneysa kadib markii shalay la dhaawacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 11, 2007(HOL): Xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/kariin Maxamuud Xuuti oo uu shalay dhaawac u geystay nin Bastoolad ku hubeysnaa oo doonayay in uu dilo ayaa haatan ka soo reyneysa, sida ay ku waramayaan Dhaqaatiirta ku howlan daweyntiisa.

 

Dr. C/llaahi Xuseen Cabdi oo ka mid ah Dhaqaatiirtii Guddoomiyaha Qalliinka ku sameysay ayaa wuxuu sheegay in xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha ay tahay mid ka soo reyneysa, wuxuuna caddeeyay in uu dhaawac ka soo gaaray Garabka, Caloosha iyo Gacanta.

 

“Qalliin dhinaca Caloosha ah ayaan ku sameynay Guddoomiyaha, wuxuuna fiican yahay xaalkiisa, waxaana rajeyneynaa in uu dib u helo caafimaadkiisii”ayuu yiri Dr. C/llaahi Xuseen Cabdi oo intaas ku daray in dhaawacyada noocaan oo kale ah ay yihiin kuwo laga badbaado.

 

Guddoomiyaha Degmada Boondheere C/kariin Xuuti ayaa la dhaawacay shalay galabtii xili uu ciyaar Kubadda Cagta ah  ku daawanayay gudaha Degmada Boondheere, waxaana dhaawacay nin Bastoolad ku hubeysnaa oo la sheegay in uu Guddoomiyaha gadaasha ka taagnaa tan iyo intii ay ciyaarta ka soo dhamaaneysay, iyadoo halkaasina lagu dilay nin ilaalo u ahaa.

 

Afar ruux oo kale oo ka mid ahaa dadkii ciyaarta wax ka daawanayay ayaa sidoo kale halkaas ku dhaawacmay, kuwaasi oo gabar ka mid ahayd ay ku geeriyootay Isbitaalka Keysaney. Gabadhan ayaa la sheegay in ay Bastooladdii la qabsatay ninkii Guddoomiyaha Dhaawacay, hayeeshee uu Rasaas isaga fujiyay, taasi oo keentay in ay aakhirkii u geeriyooto.

 

Waxaa Magaalada Muqdisho horay loogu dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-wadaag iyo Shibis, kuwaasi oo ay dilkooda ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysnaa oo aan la ogeyn ujeedada ay u ugaarsanayaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Markii ay soo bateen dilalka loo geysanayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) in ay guddoomiyayaasha Degmooyinka Ciidamo Boolis ah oo waardiyeeya ay ka kaxeystaan Saldhigyada Booliska  Degmooyinkooda, hayeeshee waxaad mooddaa in xitaa iyagoo ilaaladii wata la soo beegsanayo sida dhacday shalay markii Guddoomiyaha Degmada Boondheere la dhaawacayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).