13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

XILDHIBAANAD CAASHA AXMED CABDALLA “Siyaasad baa la isku hayaa, Qabiillo is-heysta ma jiraan, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu noqdo mid khilaafaadyada Si

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, July 01, 2007(HOL):  Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqday in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho uu noqdo mid looga heshiiyo khilaafaadyada Siyaasadeed.

 

Xildhibaanad Caasha oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya waxay intaas ku dartay in aaney jirin beelo Soomaaliyeed oo khilaafyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo, balse waxa la isku hayo ay yihiin siyaasadda Dalka iyo sidii Talada Dalka loo qeybsan lahaa.

 

“Siyaasad baa la isku hayaa, Qabiillo is-heysta ma jiraan, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu noqdo mid khilaafaadyada Siyaasadeed lagu xaliyo”ayay tiri Caasha Axmed Cabdalla.

 

Xildhibaanadda waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay tanaasul sameyso, sidoo kalena ay kooxaha ka soo horjeeda ay iyaguna wada hadal ogolaadaan, taasi oo haddii ay dhacdo ay xustay in looga gudbi doono dhibaatooyinka haatan ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayay isagana ugu baaqday in uu caddeeyo goorta uu Ciidamadiisa kala baxayo Dalka Soomaaliya, “Anigu waxaan ka mid ahaa Mudanayaashii ka digi jiray in ay Dalka Soomaaliya yimadaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo Taangiyo dadka ku caburiya, balse waa la iga maqli waayay digniintaas”ayay tiri Xildhibaanadda.

 

Hadalka Xildhibaanadda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo waqti yar uu ka harsan yahay qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo labo jeer oo hore dib loo soo dhigay sababo jiray aawgood.

 

Shirkan oo ay markiisii hore ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay Odayaasha Beelaha Hawiye,Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ku fikir ah ay qabaan in shirka uu noqdo mid looga hadlo khilaafaadyada Siyaasadeed, halka Dowladda Federaalkana ay rabto in uu noqdo mid ay ku heshiiyaan Beelaha Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar uu dhawaan ka hadlayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono, waxaa uu si cad u sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen,”Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Shirkii Kenya ayay ku soo heshiiyeen, shirkanna waa mid loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).