Axad, July 01, 2007(HOL): Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ayaa u anba baxay Tuulada Coomaad oo Maalintii shalay Dagaal sababay dhimasho iyo dhawaac ku dhax maray maleeshiyo beeleedyo wada dega Gobalka Hiiraan.
Mas’uuliyiinta u anba baxay dhinaca Tuulada Coomaad oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Degmada B/weyn Axmed Gobay Cawaale ayaa la filayaa in ay bilaabaan Waan waan la kala dhax-dhigo dhinacyada is haya, iyada oo dhanka kalana Qorshuhu yahay in la geeyo Tuulada Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Federaalka si markaa loo xakameeyo dirir danbe oo soo noqta.
Horay ayaa waxaa u sii joogay Tuulada Coomaad oo 145 Km. u jirta Magaalada B/weyn Odayaal dhaqameed uu hogaaminayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif kuwaasoo Qaar kood ku geeriyooday dagaalkii Maalintii shalay dhacay.
Dhinacyada ku dagaalamay Tuulada oo kuwa abtirsata hal jifo ayaa isku haya qaabka loo maamulayo Ceel biyaha laga cabo oo la doonayo in laga hergaliyo tuulada Coomaad, waxaana ay wararku intaa ku darayaan in mid ka mid ah garabyada is haya qaadeen talaabo lagu joojinaya qodista Ceelka taasoo keentay in dagaalku qarxo.
Dagaalka maalintii shalay dhacay ayeey wararku sheegayaan in ay ku geeriyoodeen 10 halka 14 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka geeriyooday ku jira mid ka mid ah odayaashii halkaa u tagay nabadeenta.
Inta badan marka la eego Dagaalada ka dhaca dhulka Miiga ah ayaa la
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






