13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

47-GUURADII IS-RAACA GOBOLLADDA KOONFURTA IYO WAQOOYIGA IYO XORNIMADDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA:- Halgan Naf iyo Maal loo huray, balse aan lagu caano-maalin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 01, 2007(HOL): Marka diiwaanka Halganka Gobanimadoonka Somalia dib loo eego, waxaa hubaal ah in la soo xusuusanayo dhibaataddii iyo rafaadkii laga soo maray  sidii loo hannan lahaa Gobanimadda aynu harsanayno oo ku timid dhiigga Geesiyayaasha gumeysi-diidka ee naftooda qaalliga ah u huray sidii uu dalka Somalia u gaari lahaa madax-bannaanidda.

Sannadkii 1884-kii waxay u ahayd Taariikh madow dadka ku nool Qaaradda Afrika, kadib, markii ay Gumeystayaasha Reer Europe kulan ku yeesheen Magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka, oo ay ku kala qeybsadeen sidii ay u gumeysan lahaayeen dalalka Qaaradda Afrika.

Ayaan-darrida ku habsatay Ummaddaha ku nool Qaaradaha Afrika,  ayaa waxay si gaar ah u saamaysay Ummadda Soomaaliyeed, oo ay Gumeystayaasha u kala qeybiyeen shan qeybood oo kala ah:-

  • Goballadda Koonfurta Somalia, oo uu Talyaanigu gumeysan jiray.
  • Goballadda Waqooyiga Somalia oo uu Ingiriisku gumeysan jiray.
  • Goballadda Reserved Area “Ogaadeeniya oo Xabashidda loo hibeeyey
  • Goballadda NFD  oo Dowladda Kenya loo hibeeyey.
  • Dalka Jabuuti oo ay Faransiisku gumeysan jireen.

Sababaha ugu waa weyn ee ay Gumeystayaasha reer Galbeedka u kala qeybiyeen dalka Somalia ayaa waxaa la rumeysan tahay inay ugu wacnayd sidii loo kala fogeyn lahaa dadka Soomaalida ee isku diinta, isku dhaqanka, isku dhalashadda iyo isku afka ah, kuwaasi oo cududooda mideysan loo arkay inay khatar ku noqonayso dalalka deriska ee Masiixiiyiinta ah.

Sida lagu xusay Diiwaanadda Halganka Gobanimadoonka Somalia, marka aynu si xaqiiqo leh u qooraansano, waxaa hubaal ah inaysan si sahal ah ku imaanin Xorriyadda aynu harsanayno, ee la helay maanta oo kale 47-sannadood ka hor, kadib, markii ay xonimo heleen Goballadda   Koonfurta isla markaana ay la midoobaan Goballadda Waqooyiga  Somalia.

Sidoo kale, Halgankii Halgamaa Axmed Garaad Axmed Gurey; ayaa waxaa saldhig u ahaa dhalinyaro ayaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba naftoodana u hurey inay soo ceshaan dhulkii Itobiyanku ka qabsadey Islaamka, waxa ay ku guuleysteen iney hogaamiyaan halgan adag oo lala galo gumeystihii Xabashida, waxay kale oo ay ku guuleysteen inay Diinta Islaamka ku faafiyaan dhulka ay Soomaalidu degto iyo Geeska Afrikaba.

Halgankii Sayidka; Sida aan ogsoon nahay sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo Soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dirirayey gumeystihii dhulka Soomaaliyeed qabsadey, waxaana ka wada war qabnaa Sayid Maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.

Curashadii Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso. Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo, inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah. Wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed, iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn Siyaasadda. Yaasiin wuxuu si fiican u yiqiin Afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin Afafka Carabiga iyo Ingiriiska. Dadaalka Yaasiin ka sokoow, curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen:

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. Xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya. Waxaa waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa.

Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa qaar ka mid ah nimankaas, ooy is dhaafsan jireey fikradaha. Yaasiin wuxuu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada. Wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, Ganacsatada, Culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir noogu qabtay gurigiisa, waxaan ahayn 7 ama 8 dhalinyaro ah, si fiican uma xusuusto tirada. Wuxuu noo soo jeediyey talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa Xornimada-doonka Soomaaliyeed. Wuxuu nagu wargelieyey in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada ah: Ameerika, Ingiriiska, Ruusha iyo Faransiiku ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo hadda gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Eritrea iyo Libiya.

Wuxuu nagu guubaabiyey inaan fadhiga ka kacno oon dhisno Urur ka tarjuma danaha bulshada Soomaaliyed oo ah gobanimo iyo horumar. Wuxuu naga codsaday in qof waliba uu casuumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha ururka. Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq. Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa. Intaan ka xusuusto, anigu waxaan casumay Cabdulqaadir Sakhaawuddiin oo aan saaxiib gaar ah ahayn, Allaha u naxariistee. Xaaji Maxamad Xuseenna wuxaa casumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u naxariisto.

Muddo bilo ah gudohood ayaan isku uruursannay 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan Xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanimadoonka

Halgamayaasha hormuudka u ahaa helitaanka Xornimadda, aya waxay ahaayeen Ururka Dhallinyarradda Soomaaliyeed ee Somali Youth League “SYL” oo ay 13-dhallinyarro Soomaali ah asaaseen bishii May 15-da ee sannadkii 1943-kii, waxayna Asaasayaasha Ururkii SYL kala ahaayeen:-

Magacyadii Dhalinyaradii SYL ( leegada );

1:Yaasiin Xaaji Cismaan

2:Xaaji Maxamad Xuseen

3:Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin

4:Khaliif Huudow Macallin

5:Maxamad Cismaan Baarbe.

6:Cismaan Geedi Raage

7:Maxamad Faarax Hilowle

8:Dheere Xaaji Dheere

9:Sayidiin Xirsi Nuur

10:Maxamad Cabdalla Xayeesi

11:Maxamad Cali Nuur

12:Cali Xasan Maxamad “Verdura

13:Daahir Xaaji Cismaan.

Sidoo kale, Halgankii Halgamaa Axmed Garaad Axmed Gurey; ayaa waxaa saldhig u ahaa dhalinyaro ayaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba naftoodana u hurey inay soo ceshaan dhulkii Itobiyanku ka qabsadey Islaamka, waxa ay ku guuleysteen iney hogaamiyaan halgan adag oo lala galo gumeystihii Xabashida, waxay kale oo ay ku guuleysteen inay Diinta Islaamka ku faafiyaan dhulka ay Soomaalidu degto iyo Geeska Afrikaba.

Halgankii Sayidka; Sida aan ogsoon nahay sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo Soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dirirayey gumeystihii dhulka Soomaaliyeed qabsadey, waxaana ka wada war qabnaa Sayid Maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.

Waxaa kaloo Taraiikhda baal dahab ah kaga qoran sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo Soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dirirayey gumeystihii dhulka Soomaaliyeed qabsadey, waxaana ka wada war qabnaa Sayid Maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.

Sidaasi oo ay jirto, ayaa waxay dadka waaya-aragga ah ka sheekeeyaan dhibaatooyinka ba’an ee ay kala kulmi jireen Gumeystayaasha Fashiishtihii Talyaaniga iyo kuwii Ingririiska, oo iyagu hab-dhaqan aad u qallafsan ku caburin jirey dadka Soomaalida, iyadoo ciddii ka dhiidhisa falalka gumeysigaasi lagula kici jirey jirdil, masaafurin iyo Xabsi daa’in ay wehliyeen  hawllo  adag.

Xildhibaan Xaaji Shukri Axmed, oo ka mid ahaa dadkii Halganka Gobanimadoonka ka soo qeyb galay, ayaa waxaan ka wareysanay Xusuustiisa ku aadan Halgankii Gobanimadoonka ee dhiigga badan loo daadiyey, wuxuuna xusay inaan si fudud lagu helin Gobanimadda haatan la harsanayo.

Mar aan wax ka weydiiyey Taariikhda uu u soo joogay, waxa uu faahfaahin ka bixiyey Taariikhdii Halganka Gobanimnadoonka iyo qaabkii ay Xisbiyaddii halganka waday u wajaheen  sidii loo heli lahaa Gobanimadda dalka Somalia.

Xildhibaan Xaaji Shukri Axmed, waxa uu ku dheeraaday Dowladdii Daakhiliyadda iyo xubnihii ka tirsanaa iyo Halgankii Gobanimo-doonka, wuxuuna tilmaamay in halganka loo soo dhabar adeegay, isla markaana lagu mideysnaa sidii loola dagaalami lahaa Gumeystayaashii.

Mar uu ka hadlayey xubnaha ka tirsanaa Dowladdii Daakhilyadda, waxa uu sheegay inuu ka xasuusto Ra’isul-wasaarihii Dowladdaasi, Marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xaaji Muuse Boqor, WasiirkaDhaqaalaha, Xaaji Maan Cali Cumar, Wasiirka Arrimaha Bulshadda, Sheekh Cali Jimcaale, Wasiirka Garsoorka, Sheekh Maxamuud Maalin-guur, Wasiirka Lacagta, Salaad Cabdi Maxamuud iyo Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Ra’isul-wasaaraha, Kutub-xoor.

Sidoo kale, Avvocate Dr.Maxamed Sheekh Aadan “Gabyow,”,  oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Xilligii Gobanimaddoonka loo diray Magaalladda Hargeysa, halkaasi oo ay kula soo kulmeen Siyaasadda Reer Somaliland, oo uu horkacayey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isla markaana wax ka soo saxiixay.

Avvocate Dr. Gabyow, oo aan ka waraysanay arrimahaasi, ayaa waxa uu faahfaahin dheeraad ka bixiyey heerarkii laga soo maray Wada-xaajoodkii adkaa ee laga soo maray Is-raacii Labadii Gobal ee Koonfurta iyi Waqooyiga dalka Somalia.

Sidoo kale, Halgamaa Cali Xasan Cali “Barduura” oo ka mid ahaa Halgamayaashii Ururka SYL ee kaalinta ka qaatay Gobanimadda aynu maanta harsanayno, ayaa faahfaahin ka bixiyey Halgankii Gobanimadda ay soo mareen.

Halgamaa Barduura, oo haatan 84-jir ah, waxa uu ku nool yahay Degmadda Qoryooleey ee Gobalka Sh.hoose, waxaana kula xiriirnay Khadka Telefoonka, oo wax ka  weydiinay Taariikhda Halgankii Gobanimadoonka inta uu ka xusuusto, maadaama uu xilligan da’ yahay.

 Si kastaba  ha ahaatee, markii  ay Labada Gobala ee Koonfurta iyo Waqooyiga dalka Somalia heleen Gobanimadda muddo haatan laga joogo 47-sannadood, waxaa soo if baxay Khilaafyo Siyaasadeed, iyadoo ay Dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Goballadda Waqooyiga ay is-tusaaleeyeen in laga sed-bursaday, isla markaana ay Reer Koonfureedka is-lahaysiiyeen Dowladnimadda.

Dareen-xumidda dhinaca Siyaasadda, ayaa waxay si xooggan u shaac-baxeen Dowladdii Kacaanka ee Hoggaanka dalka haysay muddaii u dhexeysay sannadihii 1969-kii ilaa bilowgii sannadkii 1991-kii, waxaana dhacay xad-gudubyo loo geystay dad Soomaali ah oo uu Maamulkii Kacaanka u arkay inay yihiin kuwo Mucaarad ah oo Qaran-dumisnimo ku caan baxay.

Xusuusaha tiiraanyadda leh ee la xusuusto, ayaa waxaa ugu nugul Hawlgalkii Milliteri ee ay Ciiddamadda Dowladdii Kacaanka ku qaadeen Goballadda W/galbeed ee dalka Somalia sannadihii 1987-kii ilaa 1989-kii, iyadoo loo adeegsday Diyaarado iyo Sawaariikhda goobta, oo si gaar ah   loogu garaacay  Magaalladda Hargeysa  oo la tuhusnanaa inay Jabhadda SNM ku xooggan tahay.

Hawlgalkii ay Ciiddamaddii Dowladda Kacaanka ku qaadeen Goballadda W/Glabeed iyo kuwa Dhexe, waxay abuureen Kacdoon Dadweyne, kaasi oo si kedis ah u qarxay sannadihii 1988-dii uga soo bilaabmay Goballadda Dhexe, ka hor inta uusan gulufka colaadda u soo gudbin Magaalladda Muqdishu dabayaaqadii sannadkii 1990-kii, laguna xidid-siibin Dowladdii Kacaanka.

Isbedelka Kacdoonka Dadweynaha ee ay Jabhadihii hubeysnaa ee USC, SSDF, SDM., SNM, SPM iyo kuwo kale hor-boodayeen, waxa uu dalka Somalia u jiiday dhinaca Colaado Sokeeye iyo mid Siyaasadeed, waxaana dillaacay Loolan u dhexeeya Jabhadaha hubeysan, oo iyagu la soo baxay Han Dowlad-doon.

Bishii Novem,ber 17-dii ee sannadkii 1991-kii,  Magaalladda Muqdishu, waxaa ka dillaacay dagaallo aad loogu riiqmay, iyadoo Guddoomiyihii Ururka USC, Marxuum Jeneral Maxamed Faarax Caydiid si toos ah u soo weeraray Dowladdii KMGS ee uu Madaxweynaha ka ahaa Md. Cali Mahdi Maxamed, ee .ay Jabhadihii hubeysnaa ku soo dhiseen dalka Jabuuti.

Iska-horimaadkii dhex maray Taageerayaasha Dowladii KMG ee Madaxweyne Cali Mahdi iyo kuwa Marxuum Jeneral Caydiid, oo socday muddo afar bilood  ah, ayaa waxaa uu ayaan-darro xooggan ku noqday Masiirka dadka Soomaalida ee ku wada dhaqan Magaalladda Muqdishu, waxaana la diiwaan geliyey inay dagaalladaasi ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen in ka badan 20,000- oo qof, iyadoo uu dagaalkaasi dhabaha u xaaray Mowjaddo colaaddo Beeleed iyo kuwo Siyaasadeed oo ka dillaacay gudaha dalka Somalia.

Kacdoonkii dadweynaha ee la majara-habaabiyey ayaa waxa uu keenay inay Kumanaan qof ka barakacaan gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo badankooda ku haftay Baddaha, halka kuwo kalena ay nolol-qaxootinimo ugu dac-daraysan yihiin dalal ku yaalla Qaaradaha Afrika, Europe, Australia iyo Waqooyiga Ameerika.

Tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka kadib, waxaa aad la isugu hawlay in la soo af-jaro Colaadaha Sokeeye, waxaana la qabanqaabiyey oo la qabtay  ugu yaraan 13-Shirweyne Dib-u-heshiisiin, ayaa waxay gebigooda noqdeen kuwo lagu fashilmay, waxaana arrimahaasi u sabab ah faragelinta Dowladaha Shisheeyaha ee aan oggoleyn Midnimadda iyo Nabadda dalka Somalia iyo Kooxo Siyaasadeed iyo kuwo magaca Diinta huwan oo ilaa iyo haatan  loolan dhinaca Maamulka Dowladeed uu  si toos ah iyo si dadbanugu wada hardanayo.

Soo if-bixii Ururka Al-itaxaad Islaamiyah iyo Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia, waxay figta sare gaarsiiyeen Loolanka dhinaac Maamulka, waxaana tusaalaha ugu nugul ee laga dheehan karo arrintaasi ahayd dagaalladdii faraha looga gubtay ee ay GMIS la galeen Isbahaysigii Argagixiso-la-dirirka ee lagu durduriyey ilaa loolankii kale ee GMIS iyo DFKMGS dhex maray dabayaaqadii sannadkii hore, kadib, markii ay labada dhinac ku fashilmeen Wada-xaajoodkii ay Dowladaha ku jira Ururka Jamaacadda Carabta ku doonayeen inay Nidaam Siyaasadeed lagu furdaamiyo Khilaafkii dhinaca Aragtida ee u dhexeeyey Labadaasi dhinac ee miisaanka ku lahaa Siyaasadda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Halgamayaasha Gobanimadoonka, waxay badankooda ka uur-xun yihiin sida qaldan ee loogu tuntay Muhiimadda Qaranimadda iyo Midnimadda dalka Somalia iyo colaadaha weli ka socda qeybo ka mid ah dalka Somallia.

Markaynu isku soo duubno, Sanandguuradda 47-aad ee Maalinta Israaca Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia iyo Madax-bannanida Jamhuuriyadda Somalia, waxay ku soo beegantay xilli ay weli deganaansho la’aan siyaasadeed iyo mid Nabadgeliyo-xumo ka jirto dalka Somalia, oo ay xaajaddu taagan tahay xilli ay aad u adag tahay in lagu soo celiyo Mdinimadda Qaranka Somalia, iskaba daa” in laga hadlo Qaddiyadda Shanta Soomaali-weyn oo ay saddex ka mid ah  ku jiraan gacamo shisheeye oo si xaq-darro ah ku haysata.

Sidoo kale, Ummadda soomaaliyeed, waxay weli ku nolol-aadanayaan colaado, nabadgelliyo-xumi, macluul iyo wavbarasho la’aan soo wajahday Malaayiin carruur ah oo Xilligii Waxbarashadda aan Dugsiyadda aadin.

Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan inay ayaan-xumo tahay inay Goballadda Waqooyiga Somalia gooni uga go’een Goballadda Koonfurta Somalia oo ay is-raaceen muddo haatan laga joogo 47-sannadood, waxaana la qiri karaa inaysan haatan jirin ifafaalo-Siyaasadeed oo muujinaya inay Madaxda DFKMGS iyo kuwa Maamulka Somaliland garwaaqsadeen inay  dib u mideeyaan Goballadda Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia ee Jamhuuriyadda Somalia.

Isha Qormada: somaliweyn.com

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).