12.9 C
London
Sunday, November 9, 2025

Maxamed Dheere oo kooxaha Nabadgelyo darrada ka wada Magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay Dowladda la xaajoodaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 01, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ugu baaqay kooxaha Nabadgelyo-darrada ka wada magaalada Muqdisho in ay la xaajoodaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

“Kooxaha Falalka Nabadgelyo darrada ah ka wada magaalada Muqdisho, waxaan ugu baaqayaa in ay Dowladda la hadlaan oo markaasina ay caddeeyaan waxa ay doonayaan, si dalka Soomaaliya loogu soo celiyo amnigii iyo xasiloonidii ka jiri jirtay”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in maamulkiisa Gobolka Banaadir uu ku howlan yahay howlgallo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, kaasi oo sida uu yiri la sii dardargelin doono, wuxuuna carrabka ku dhuftay in maamulkiisa uu dhawaan mushaarooyin siiyay 3500 oo Askari oo Boolis ah, kuwaasi oo u xilsaaran Sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Waxaan wadnaa inaan nabadda Muqdisho si wanaagsan uga shaqeyno, isla markaana aan soo kordhinno ciidammada booliiska, kuwaasoo howlaha gobolka Banaadir aan u kaashanayno” ayuu yiri Maxamed Dheere oo carrabka ku dhuftay in aysan u dulqaadaneynin howlaha nabad-xumida ah ee ku sii baahaya Magaalada Muqdsiho.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo hadalkan ka sheegay xaflad lagu xusayay  munaasabadda 1-da Luulyo oo ka dhacday Xarunta Villa Somalia ayaa wuxuu carrabka ku dhuftay in uu si weyn uga xun yahay in xuska 1-da Luulyo uu ku soo aaday iyadoo Magaalada Muqdisho uu Bandow saaran yahay, inkastoo uu xusay in Bandowgaas uu yahay mid lagula dagaalamayo amni darro Muqdisho ka jirta.

 

Hadalkan Guddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo la dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-Wadaag iyo Shibis oo maamulkiisa ka tirsanaa, sidoo kalena mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo uu isagu ka mid yahay Miinooyin loo geliyay Waddooyin ay marayeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo kordhayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira Qaraxyo iyo dilal, iyadoo ilaa iyo haatanna ay Dowladda Federaalka u suurtageli la’ dahay in ay amniga sugto, isla markaana ay kooxaha nabadgelyo darrada wada magaalada ka sifeyso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).