12.9 C
London
Sunday, November 9, 2025

Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay laga xusay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 01, 2007(HOL): Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay Gobollada Koofureed ee Dalka Soomaaliya ay xornimadooda ka qaateen gurmeystihii Talyaaniga, isla markaana ay midoobeen Gobollada Waqooyi iyo kuwa Koofureed ee Soomaaliya.

 

Xafladdaas oo ka dhacday Xarunta Villa Somalia ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo xubno ka socday labada Gole ee Dowladda Federaalka iyo weliba maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xalay saqdii dhexe-na la saaray Calanka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa munaasabaddaas ka hadlay, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka halgankii loo soo galay xornimada ay maanta Dadka Soomaaliyeed harsanayaan, taasi oo uu carrabka ku dhuftay in ay dad badan u dhinteen.

 

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in 47 sano oo ay Soomaaliya Xor tahay kadib in ay maanta jiraan dad doonaya in ay Soomaaliya xasilooni  iyo midnimo la’aan ka abuuraan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu dadkaasi ugu baaqayo in ay shidada iska daayaan.

 

“Annagu haatan kuwaasi habaari meyno, haaraamina meynee waxaan leenahay iska daaya shidada aad waddaan, haddiise ay yeeli waayaan Dowladda Federaalka fooda ayay dari doontaan”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu ka soo qeybgalay  dagaallo gobanimo-doon ahaa iyo kuwo lagu diidanaa xukunno guracnaa oo Soomaaliya soo maray.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay maalmahan soo baxeen kooxo dilal u geysta aqoonyahanka iyo saraakiisha Ciidamada, kuwaasi oo uu sheegay in ay indho u yihiin Bulshada Soomaaliyeed.

 

“Kooxaha dilalka geysta waxay dilaan cid kasta oo fikirkooda ka soo horjeeda, iyagoo ku doodaya in ay doonayaan in ay Diinta dabaqaan, hadde illaah baan idinku dhaariyaye ma qof dilaya qof Islaam ah oo aan waxba galabsan ayaa Islaam lagu tilmaami karaa?” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

 

“Qof kasta wuxuu dhimanayaa marka tiisa dhamaato, sidaas darteed waxaan idin leeyahay Wadnaha gufeysta oo u istaaga sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa mid xasiloon”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaas ku sii daray, “Aniga ma riyoodee wax baan garanayaa, sidaas darteed munaasabadddan aan Caawa xuseyno teeda kale waxaan gaari doonnaa Haddii Alle idmo Soomaaliya oo xasiloon oo mid ah”.

 

Sidoo kalena waxaa xuska munaasabadda 1-da Luulyo Qadka Taleefoonka uga qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, kuwaasi oo howlo shaqo dalka uga maqan, waxayna labaduba Shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyeen in ay sanadkan kiisa kale ku gaaraan Barwaaqo iyo Horumar.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xuska munaasabadda 1-da Luulyo 2007 ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo magaalada Muqdisho uu saaran yahay Bandow habeenkii ah, kaasi oo shacabka Soomaaliyeed u diiday in ay ka sameystaan xaflado lagu xusayo maalintaas weyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in aan xus loo sameynin munaasabaddii kale ee 26-ka June oo ku aadan markii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xornimadooda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).