Talaado,
Culumaa’udiinkan oo isugu jiray Soomaali iyo Pakistaaniyiin ayaa markii la qab-qabtay waxaa loo kaxeeyay dhinaca xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaasi oo la sheegay in su’aalo lagu weydiinayo.
Dadka ku dhaqan Degmada Xamar weyne oo arkayay markii la kaxeysanayay Culumaa’udiinka ayaa markaasi kadib waxay sameeyeen dibadbax ay uga soo horjeedaan falka lagula kacay Culumaa’udiinka Tabliiqa ah oo ay sheegeen in uusan soo geli karin tuhun ku saabsan in ay xiriir la leeyihiin wax argagixiso ah.
Culumaa’udiinkan ayaa had iyo jeeraale waxaa lagu arkaa Magaalada Muqdisho iyagoo koox koox u socda, isla markaana dadka u jeedinaya wacdi ku saabsan in ay ka fogaadaan xumaha, isla markaana ay sameeyaan wixii wanaag ah ee ay Alle ugu dhawaanayaan, iyadoo taasina ay u sii dheer tahay in ay socdaallo ku kala bixiyaan gobollada dalka iyagoo lugtooda maalaya oo aan wax gaadiid ah raaceynin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xarigga loo geystay Culumaa’udiinkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ammaankooda si weyn loo adkeynayo, sidoo kalena ay habeennadii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ka dhacayeen Qaraxyo xiriir ah oo qaarkood lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online