Talaado, January 09, 2007(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho oo maanta ka hadlayay Seminaar ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhamaaday dagaalkii ka socday Soomaaliya balse ay jirto kala fikir duwanaashihii ku saabsanaa Siyaasadda Soomaaliya.
Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in uu weli ka soo horjeedo in uu siyaasadda Soomaaliya qof kaligiis qol iskula soo xiro,wixii uu doonana ka yeelo, wuxuuna caddeeyay in uu taageersan yahay in wax kasta oo dadka u dhaxeeyo ay noqdaan kuwo laga wada qeybgalo.
Xildhibaanka oo lagu casuumay in uu ka qeybgalo furitaanka Seminaarkaas ayaa intii uu hadlayay waxaa uu dib u qooraansaday dagaalkii Muqdisho ku dhexmaray Maxkamadaha Islaamka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii uu ka mid ahaa ee sameystay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada, wuxuuna caddeeyay in xiligaas lagu eedeyn jiray in ay argagixiso la dirir yihiin, xitaana uu markaas madaxweyne C/llaahi Yuusuf la safnaa sida uu u yiri kuwii argagixisada ahaa, iyadoo la dhihi jiray waxaa Muqdisho ku dagaalamaya Shacabaka Muqdisho iyo Hoggaamiye Kooxeedyo.
“Annagu waxaan soo jeedinay dhowr jeer in Kooxihii argagixisada ahaa lagu celiyo Muqdisho oo lagula dagaalamo hayeeshee taasi nalama fahmin Mas’uuliyiina Dowladda, waxayna ogaadeen mar ay guriga u soo galeen”ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax oo caddeeyay in uu taageersan yahay Go’aanka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ah in aan wax wada hadal ah lala gelin Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka, isagoo intaasna ku sii daray in ay hayaan xog ku saabsan in ay Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ay doonayaan in ay dib ugu soo noqdaan Deegaanadii ay ka talin jireen.
Dhanka kalena waxaa maanta Magaalada Baydhabo gaaray oo si weyn loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo dhawaan dib ugu laabtay dalka Soomaaliya, kadib markii uu in muddo ah Muqdisho ka maqnaa, waxaana Magaalada Baydhabo horay ugu sii sugnaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho oo ay xitaa ku jiraan kuwo aan ka tirsaneyn Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online