13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uusan jirin cafis loo fidinayo Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka iyo wada hadallo ay la gelayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, January 09, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegay in aanu jirin cafis ay u fidinayaan Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in ay Mas’uuliyiintii ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka ay dembiyo galeen, inkastoo uu sheegay in ay cafis yihiin Maleeshiyooyinkii Maxkamadaha Islaamka oo sida uu hadalka u dhigay la qalday.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay gaaray magaalada Muqdisho waxaa uu ka sii hadlay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in uusan jiri doonin wada hadal dhexmari doona, isagoo carrabka ku dhuftay in sababta aysan wada hadallada ula yeelan karin ay tahay iyagoo (mas’uuliyiinta Maxkamadaha) kala diray ururkoodii, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka hadlay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka u geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo daba taagan rag la sheegay in ay dembi ka galeen, wuxuuna caddeeyay Madaxweynaha in uusan arrintaas xog badan ka heynin balse haddiiba ay jirto ay tahay mid uu Mareykanka xaq u leeyahay sababtoo ah buu yiri waxaa halkaasi ku sugan rag qaraxyo u geystay Safaarado uu Mareykanku ku lahaa Dalalka Kenya iyo Tanzania.

 

Waxaa uu ka hadlay qaraxyo habeennada ka dhacayay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay dowladda wax ka qaban doonto dadka qaraxyadaas geysanaya, isagoo xusay in Dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabkeeda, sidaasi darteedna aysan u sii dulqaadan karin in dhibaato loo geysto.

 

Mar uu ka hadlayay waxa ay dowladda Federaalka ka yeeleyso hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka ceyrsadeen balse dib u soo noolaaday markii ay Dowladda Federaalka Muqdisho timid ayaa wuxuu sheegay in Dowladda ay hoggaamiyayaashaas qorshe u dejineyso, isla markaana aysan u dulqaadan doonin in ay dib u soo celiyaan sida uu hadalka u dhigay dhaqankoodii cajiibka ahaa.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yusuuf Axmed waxaa uu sheegay in uu Magaalada Muqdisho u tegay sidii uu uga qeybqaadan lahaa howlaha ay Xukuumadda Federaalka ka waddo Magaalada Muqdisho oo isugu jira sugidda Amaanka Dalka iyo weliba maamul u sameynta Gobollada Dalka, wuxuuna caddeeyay in muddo gaaban gudaheed maamul loogu sameyn doono Gobolka Banaadir, iyadoo lala tashanayo dadka talada ku leh, isagoo dhinaca kalena dadka Muqdisho ugu baaqay in ay hubka iska dhigaan oo ay shacab noqdaan.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo xalay ku hoyday Xarunta Villa Somalia ayaa markii uu shirka jaraa’id qabanayay waxaa hareerahiisa fadhiyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, waxaana madaxweynaha wejigiisa ka muuqatay farxad cabireysay in uu maanta Shir jaraa’id ku qabanayo Xarunta Villa Soomaaliya oo ah halkii uu ka talin jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo dabcan ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iska hor yimaadeen dhowr jeer intii uu talada hayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).