Talaado, January 09, 2007(HOL): Kulan xasaasi ah oo ay wada yeesheen maamulka heer gobal, degmo, iyo waliba saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan ayaa waxaa si kulul looga wada dooday xaaladda guud ee uu gobalku ku sugan yahay iyo waliba waxa dhaliyay Rabshadihii dhawaan ka dhacay Magaalada B/weyn ee sababay geerida wiil dhalin yaro ah.
Shirka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa war-fidiyeenka la hadlay Gudoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Ing. Xuseen Mux’ed Maalin oo sheegay in Rabshadihii dhawaan ka dhacay Gudaha magaalada uu maamulku isla gartay in ay ahaayeen kuwo abaabulan oo sida uu hadalka u dhigay ay ka dambeeyeen kooxo ka haray Maxkamadihii Islaamka oo doonaya in ay iska hor keenaan shacabka iyo waliba Ciidamada Dowlada Federaalka.
Guddoomiyaha oo si weyn u muujiyay carada uu ka qaaday Rabshadaha dhacay ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan guud ahaan gobolka wixii hadda ka dambeeya ay si foojigan ula socon doonaan shaqsiyaadka abaabulaya Rabshadaha dhacay oo kale , waxaana uu intaas ku daray in cidii lagu arko ay ciidamadu fasax u yihiin in ay ka qaadaan Talaabo ku haboon falka uu abaabulayo.
Guddoomiyaha waxaa uu dhanka kale sheegay in wixii hadda ka dambeeya la mamnuucay in gudaha gobolka lagu dhax-qabto shirar maamulku uusan warqabin haddii ay Ciidamadu arkaana loo fasaxayo in ay goobtaasi lagu qabanayo shirka galaan si ay wajibaadkooda uga oofsadaan, waayo ayuu yiri wali maamulku waxaa uu tuhusan yahay in ay jiraan dad doonaya in shirqool loo maleego nabadda hadda la helay.
Mar ay HOL weydiisay su’aal ahayd halka ay ku og yihiin Taliyihii Ciidamada labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe maadaama dadku arintaa ay ka cabanayaan ayuu sheegay in taasi aysan ahayn wax qiil laga dhigan karo waayo ayuu yiri Col. Mukhtaar waa nin mas’uul ah oo sida uu hadalka u dhigay hadana ku maqan howlihiisa ciidamada, waxaana aan idiin xaqiijineynaa in Mukhtaar uusan diiqadna xuriyadiisa waayin.
Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay xubnihii ka tirsanaa Maxkamadaha ee doonaya in ka faa’ideystaan cafiska la fidiyay in ay iska diiwaan galiyaan hadba xarunta ciidan ee ugu dhaw si looga warqabo dhaq-dhaqaaqooda.
Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu maamulku galo tan iyo markii la soo magacaabay ayaa ku soo beegmay xili dibadbaxyo la mid ah kuwii ka dhacay magaalada B/weyn ay ka dhaceen degmooyinka Buula-burte iyo Jalalqsi walow dibad baxyadaasi aan wax khasaaro ah laga soo sheegin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online