13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo duqeeyay Deegaano ku yaala Galbeedka Af-madow ee gobolka Jubbada Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, January 09, 2007(HOL): Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka, gaar ahaan nooca loo yaqaano AC130 ayaa waxay duqeyn xooggan u geysteen deegaano ku yaala Galbeedka Af-Madow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo loogu sheegay in ay ku sugan yihiin Rag ka tirsan Ururkii Al-Qaacidda oo Maxkamadaha Islaamka la safnaa.

 

Diyaarado nooca wax basaaso ah oo uu Mareykanku leeyahay ayaa waxay sahmiyeen halka ay diyaaradaha dagaalka duqeeyeen, iyagoo halkaas ka qaaday sawirro ay isticmaalayeen diyaaradaha duqeynta geystay.

 

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, hadana waxaa jirta in  Warbaahinta Mareykanka ay shaaciyeen inay halkaasi ka dhacday dhimasho fara badan oo soo gaartay dadkii halkaasi ku sugnaa oo ay dhici karto xitaa in ay ku jireen dad aan ka mid ahayn kuwa la baacsanayay.

 

Diyaaradaha wax duqeeyay ee uu Mareykanka leeyahay ayaa la sheegay in ay ka soo duuleen Saldhig ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Dalka Jabuuti, waxayna bar tilmaameedsanayeen sida wararku sheegayaan Rag xiriir la leh Shabakadda Al-Qaacidda iyo weliba kuwo loo heysto in ay ka dambeeyeen qaraxyo sanadkii 1998-kii loo geystay Safaarado uu Mareykanku ku lahaa Dalalka Kenya iyo Tanzania.

 

Dhawaan-na waxaa Xeebaha Koofureed ee Soomaaliya si aad ah ugu soo dhawaaday Maraakiibta Dagaalka Mareykanka, kuwaasi oo ciidamada saaran ay ka hortegayaan in ay dhinaca Xeebta uga baxsadaan Xubno uu Mareykanka doon-doonayo oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).