14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Maamul cusub oo loo magacaabay Degmada Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 07, 2007(HOL): Munaasabad xilka lagula wareejinayay Maamul cusub oo loo magcaabay Degmada Afgooye ayaa maanta waxaa lagu qabtay Beerta Shiikh Zaa’id ee Degmada Afgooye, iyadoo xafladdii xil wareejintana ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Xuseen Maxamed Caydiid, iyo mas’uuliyiin ka socotay maamulkii hore iyo maamulka cusub ee degmada loo doortay.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid oo ka hadlay xafladda furitaanka ayaa sheegay in maamulkii hore ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Xuseen Wehliye Cirfo uu si sharci ah meesha ku yimid, isla markaana uu soo magacaabay sida uu yiri madaxweynihii Salballaar marxuum Jen. Maxamed Faarax Caydiid, halka uu sheegay in maamulkan cusub uu isna meesha ku yimid qaab cusub oo ah in ay Dowladda Federaalka soo magacawday.

 

Xuseen Caydiid waxaa uu ugu baaqay dadka Degmada Afgooye in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo soo magacaabay, isla markaana ay iska dhaafaan wixii khilaafaad iyo dhibaato u horseedi kara, isagoo carrabka ku dhuftay in dadka Degmada Afgooye ay yihiin dad nabadeed.

 

Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye Xuseen Wehliye Cirfo ayaa sheegay in mudadii ay hayeen maamulka Degmada Afgooye oo ku sheegay 11 sano ay degmada amni ku soo dabaaleen, taasina ay uga marag furayaan dadka deegaanka, isagoo intaas kadibna ka codsaday dadka Degmada Afgooye in ay iska cafiyaan haddii ay wax ka tirsanayaan, halka uu isna sheegay in uu iska cafiyay.

 

Afhayeen u hadlay maamulka cusub oo lagu magcaabo C/llaahi Abow ayaa sheegay in dadka Degmada Afgooye ay uga baahan yihiin in ay la shaqeeyaan, isagoo carrabka ku dhuftay in aaney waxba qaban karin haddii aaney la shaqeynin dadka deegaanka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).