14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Guddi Amni u magacaabay Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 07, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta Guddi Amni u magacaabay Gobolka Banaadir, kaasi oo xubnihiisa ay isugu jiraan Xildhibaano, Wasiirro, Saraakiil Ciidan, Culumaa’udiin ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo weliba xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

 

Guddigan waxaa Guddoomiye u ah Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, iyadoo xubno ka yihiin Bashiir Maxamed Aadan, Jamaal Xasan Ismaaciil, Yuusuf Mire Seeraar, Caamir Shakeyti, Feysal Cusmaan Guuleed, Xakiimo Maxamuud Cabdi, Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal), Cali Iimaan Sharma-arke, C/llaahi Maxamed Shirwac iyo Xabiibo Xaaji Jimcaale, iyadoo afhayeenka Guddiganna loo magacaabay Cabdi Xaaji Goob-doon.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa guddigan uu magacaabay kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii nabadgelyada loo adkeyn lahaa, isla markaana ay u xakameyn lahaayeen cid kasta oo isku dayeysa in ay nabadgelyo darro ka abuurto Magaalada Muqdisho.

 

Guddigan uu maanta magacaabay Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa isla maantaba howshiisa bilaabay, iyadoo la arkayay Ciidamo qaba labista Ciidamada Dowladda Federaalka oo xaqiijinaya ammaanka Isgoysyada Muqdisho qaarkood oo saakay looga sheegay in ay dib ugu soo noqdeen Kooxihii Isbaarada dhigan jiray.

 

Magacaabista Guddigan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay oo uu qof ku dhintay, isla markaana ay afar ruux oo kale ay ku dhaawacmeen, iyado dibadbaxyadaasina ay dhigayeen dad ka soo horjeeda in Magaalada Muqdisho kaliya hub ka dhigis laga sameeyo, isla markaana ay hub ka dhigista ka qeybqaataan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).