14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo Nairobi lagu xiray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 06, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Hotel ku yaala Xaafadda Islii oo lagu magacaabo Barakaat la qabtay ilaa Afar Xildhibaan oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay su’aalo weydiinayaan Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka Kenya.

 

Xildhibaanadan ayaa loo heystaa in ay Magaalada Muqdisho ku qabteen Shir Saxaafadeed ay ku cambaareynayeen Dowladda Itoobiya, iyadoo Dowladda Kenya-na ay xadgudub u aragtay in dalkeeda laga cambaareeyo dal kale, iyadoo dadka Cambaareynayana aysan dalka Kenya ku joogin qaab rasmi ah.

 

Xildhibaano gaaraya labaatameeyo oo ku kacsan siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxay in muddo ah ku sugnaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ka eedeyn jireen mas’uuliyiinta sare ee dowladda. Xildhibaanadaas qaarkood oo heysta Baasaboorro Ajnabi ah ayaa waxaa la sheegayaa in ay galeen Safaaradaha Dalalka ay Jinsiyaddooda heystaan, inkastoo warkaasi uu yahay mid aan xaqiiqo rasmi ah loo heynin.

 

Dhanka kalena waxaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ilaa 15 Mudane oo ka tegay Magaalada Nairobi, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, iyadoo Xildhibaanadaasna la sheegay in ay ku jiraan kuwo Kenya isaga soo baxay kadib markii qabqabshada lagu bilaabay Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee ku kacsan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Tallaabadan lagu qabqabanayo Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Nairobi ku sugan ayaa waxaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo dhibsaday in ay Nairobi joogaan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo hadana mucaarad ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xildhibaanadan ay Nairobi la joogeen Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si weyn uga soo horjeeda in Ciidamada Itoobiya ay soo galaan dalka Soomaaliya, kana howlgalaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).