14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Banaanbax rabshado watay oo manta Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 06, 2007(HOL):  Waxaa Maanta ka dhacay Xaafado dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho dibadbax looga soo horjeeday joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada Muqdisho ku sugan iyo weliba amar ay soo saartay Dowladda Federaalka oo ahaa in ay hubka xoog uga uruurineyso Dadka Muqdisho.

 

Banaanbaxyadan ayaa kuwii ugu xoogganaa waxay ka dhaceen Fagaaraha Tareebuunka iyo Isgoyska KM4, inkastoo ay iyana ka jireen dibadbaxyo aan xoogganeyn Nawaaxiga Warshaddii Caanaha, Suuqa Xoolaha iyo meelo kale oo Wadada Wadnaha ah.

 

Banaanbaxayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo Haween ayaa waxay wateen dhagxaan iyo biro ay ku tuurayeen gaadiidka BL-ka iyo goobaha ganacsiga ee furan, iyadoo taasina ay keentay in ay istaagaan  gaadiidka BL-ka, isla markaana albaabada loo laabo goobihii ganacsiga.

 

Axmed Faarax Kulmiye oo ka mid ah ganacsatadii uu sameynta ku yeeshay Banaanbaxa ayaa sheegay in uu iska xiray Dukaan uu lahaa kadib markii ay ku soo xoomeen dadweyne careysan oo Dhagxaan tuurayay, wuxuuna sheegay in uu Banaanbaxa dhibaato weyn u geystay ganacsato yar yar oo Waddooyinka hareerahooda wax ku iibsanayay.

 

Banaanbixii saakay ka dhacay Isgoyska km4 ayaa waxaa uu sababay dhaawaca afar ruux kadib markii ay rasaas u fureen Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan, kuwaasi oo rasaasta furay kadib markii ay ka baqeen in ay banaanbaxayaasha dhibaato u geystaan.

 

Banaanbaxyadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa kadib markii ay Dowladda Federaalka ku dhawaaqday in ay maanta oo Sabti ah ay bilaabeyso hub uruurin xoog ah, walow ay hadana Dowladda go’aankaas ka laabatay kadib markii ay Odayaal iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ay ka codsadeen in aaney hub uruurinta u wajahin qaab xoog ah.

 

Dhanka kalena xubno siyaasiyiin iyo aqoonyahanno isugu jira ayaa ugu baaqay Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay joojiyaan Banaanbaxyada rabshadaha wata, iyagoo sheegay in ay Dowladda Federaalka jaanis u siiyaan in ay ammaanka sugto, isla markaana ay wada hadal ku xaliso Arrimaha hub uruurinta, waxaana Mas’uuliyiinta Baaqa soo saaray ka mid ah Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka iyo Ganacsatada Muqdisho C/llaahi Maxamed Shirwac, Guddoomiyihii Bangiga Dhexe Dr. Maxamuud Maxamed Culusow, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Xasan Cali (Cadde) iyo Afhayeenka Golaha Guurtida Soomaaliyeed C/llaahi C/lle Wehliye.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).