Sabti,
Muuse Suudi oo intii uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho ku sugnaa dalka
Muuse Suudi waxaa uu magaalada Muqdisho isaga tegay Bartamihii sanadkii hore xiligaasoo ay Xogaggii Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheego in ay isaga iyo Hoggaamiye Kooxeedka kale ee Bashiir Raage ay Doon ka raaceen Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Muuse Suudi Yalaxow oo horay xiriir ula lahaan jiray Dowladda Itoobiya ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa uu jeedin jiray hadallo uu ku mucaaradayo Dowladda Itoobiya oo haatan Ciidamadeeda ay ku sugan yihiin Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.
Hoggaamiye Kooxeedyada kala ah Maxamed Qanyare Afrax, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Cabdi Nuurre Siyaad, Maxamed Dheere iyo Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa kadib muddo lix bilood ah oo ay ka maqnaayeen deegaanadii ay ka talin jireen waxaa ay haatan dib ugu soo noqdeen deegaanadoodii, inkastoo ay taasi u suurtageliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya, waxayna dib u soo laabashadooda banaanka u soo saareysaa su’aal ah in ay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobollada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ay dib ugu noqonayaan gacan ku heynta Maamulladii Hoggaamiye Kooxeedyada, walow Dowladda Federaalka oo iyadu dib u soo nooleysay Hoggaamiye Kooxeedyadan ay sheegeyso in uu dhamaaday Xiligii Hoggaamiye Kooxeedyada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online