Sabti, January 06, 2007(HOL): Waxaa ka dhacay Magaalada
Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal dad ah oo ka kala yimid Magaalooyinka Jarmalka, sida ay HOL ugu soo warantay Carabo Kaxar oo ka mid ah dadka Dibadbaxa ka qeybgalay.
Dadkani banaanbaxayay ayaa waxay wateen boorar ay ku soo dhigteen halku dhigyo ay uga soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, iyadoo boorarkaas qaarkoodna ay ka muuqdeen Cartoons uu horay arrimaha Soomaaliya iyo Itoobiya uga sawiray Amin Amir.
Dadkani ayaa waxay ku hor banaanbaxeen Safaaradaha Mareykanka iyo Itoobiya ee dalka Jarmalka , iyagoo ku luuqeynayay Heesihii la qaadi jiray xiligii uu socday dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online