Sabti, January 06, 2007(HOL): Wada hadalo la doonayo in lagu soo afjaro Khilaaf in mudo ah ka dhax-taagnaa Beelo kala daga Dhulka ismaamulka soomaalida Itoobiyo iyo waliba Gobalka hiiraan ayaa ka Furmay Magaalada B/weyn.
Wada hadalka labada dhinac oo ah mid ka uu ka soo shaqeeyay Danjiraha dowlada Soomaliya u fadhiya Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka qeyb-galay Aqoonyahano Odayaal dhaqan iyo wax-garad ka kala tirsan dhinacyada colaadu u dhaxeeyso, iyadoo sidoo kalana kulanka ay ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya, inta badan wada hadalada iyagu dhax dhaxaadinayay.
Danjiraha dowlada Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulan kani yahay mid ka dhashay Fariin ka timid sida uu hadalka u dhigay Dowlada Itoobiya oo siweyn u daneyneysa ayuu yiri is Afgarad laga gaaro colooda in mudo ah ka taagneyd qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka.
C/kariin Lanqanyo waxaa uu intaas ku daray in Miraha ka dhashay kulanka uu dib ugu lala noqon doono sida uu hadalka u dhigay dhinaca Itoobiya, islamarkaana uu filayo in sida ugu dhaqsiyaha badan arintani xal looga gaaro,
Qaar ka mid saraakiisha Itoobiya ee kulanka ka hadashay ayaa iyaguna sheegay in labada dhinacba ay ka codsanayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjaraan khilaaf kooda, iyagoo sheegay in wixii hada ka danbeeya xaalku sidii hore uusan aheyn, cidii lagu arko iyada oo dab ka hurineysa dhulka ismaamulka sida ay saraakiishu hadalka u dhigeen loo aqoonsan doono kuwo ka haray Kooxihii Arga-gixisada oo loola jeeday Maxkamadaha.
Kulanka oo ahaa mid hor u dhac ah ayaa la faray in ay sii dhameystiraan mas’uuliyiinta maamulka Gobalka hiiraan iyo kuwa ismamulka Itoobiya oo kaashanaya Hay’ada CRD oo bilawgii shirka koob joog ka aheyd.
Labada Beelood ee Hishiisku u furmay ayaa in mudo ah waxaa u dhaxeeyay khilaaf mar marka qaar sababa Gacan ka hadal waxaan dagaalo horay u dhax maray labada Beelood ku geeriyaaday in ka badan 30 Ruux halka intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana inta la ogyahay dagaaladaa lagu bur buriyay hanti u badan Matoorada Beeraha waraabiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online