Sabti, January 06, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay ugu dhawaaqday in ay maanta oo Sabti ah Muqdisho ka sameyneyso Hub uruurin xoog ah oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa hadana waxay sheegeysaa in ay dib u dhigtay hub uruurintaas.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa sheegay in dib loo dhigay hub uruurintii ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday, wuxuuna sheegay in ay dowladda go’aankaas qaadatay kadib markii ay tixgelisay baaqyo ay u jeediyeen Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka, kuwaasi oo ka codsaday Dowladda in aaney awood u isticmaalin hub uruurinta.
C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in ay dowladda gadaal ka soo sheegi doonto xiliga ay dib u bilaabi doonto hub uruurinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dib u dhigista hub uruurinta aysan macnaheedu ahayn in ay Dowladda iska dhaafeyso in ay dadka hubka ka uruuriso.
Haddaba iyadoo Dowladda Federaalka ay soo saartay in ay dib u dhigtay hub uruurintii ayaa hadana waxaa saakay magaalada Muqdisho ka jira banaanbax ay dhigayaan Dadka Muqdisho qaarkood, kuwaasi oo jid-gooyooyin iyo taayarro gubis ka sameeyay Fagaaraha Tareebuunka, iyagoo ujeedada ay u banaanbaxayaan ku sheegay in ay ka soo horjeedaan in ciidamada Itoobiyaanka ay hubka ka dhigaan dadka Soomaalida.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay waxay u soo saartay amar ah in ay Dadka Muqdisho muddo seddex cisho gudahood ah ay hubkooda ku geeyaan labo goobood oo kala ah Xaruntii Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore ee Muqdisho ilaa iyo haatanna ma jiro wax hub ah oo ay dadka Muqdisho geeyeen labadaas goobood, marka laga reebo in ayba jirto hub iibsasho hor leh oo ay dadku sameynayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online